Waligeenba Ma madaxda uunbaynu dhaleecayn?
Posted by xaaji on April 23 2014 09:23:17

Waddankastaaba waxa uu ku dhisan yahay maamul iyo kala dambayn, waxkastaana maamul iyo qof dadku ay ku daydaan oo haga ayaa loo baahanyahay Nabi Max/ed NNKHA waxa uu yidhi. 


Extended News

Waddankastaaba waxa uu ku dhisan yahay maamul iyo kala dambayn, waxkastaana maamul iyo qof dadku ay ku daydaan oo haga ayaa loo baahanyahay Nabi Max/ed NNKHA waxa uu yidhi “Hadii laba qof xitaa aad tihiin midkiin maamul ha noqdo oo kakale ha hago” taas macnaheedu waxa weeyaan waxna bilaa maamul ma socon karayaan.

Maamulka ama madaxwaynuhu waxa uu masuul ka yahay dadkan uu xilka u hayo in uu ka war hayo caafimaadkooda, dhaqaalahooga , baahidooda iwm… Madaxwaynuhu wax uu leeyahay laamo ka soo jaba ama faracyo waayo madaxwaynaha oo kaliyaati waddanka oo dhan kama war hayn karo waa in uu helo qaar ka sii hooseeya .

Anigu Madaxwaynaha Somaliland Mudane Max/ed Max/uud Axmed Siilaanyo waa madaxwayne aan jecelahay kuma jecli qabyaalad oo damerayaguba meel ma wada daaqaan , kuma jecli waxyar oo uu mar isiiyay ooo imaba yaqaano laakin waxaan ku jecelahay waa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland dadka shacabka ayaana soo doortay o u codeeyay waanan ku faraxsanahay waxyaabo fiican oo badana wuu qabtay.

Waxqabadkiisa waxa ka mid ah:

 

Waxbadan oo kale oo wanaagsanina way jiraan walaw aanan halkan kusoo koobi Karin , walaw waxyaabo khalkhaldan ama aan saxsanayn  waayo wax aan khalad lahayni ma jiro dadka oo dhamina way khaldamaan.

 

Qodobada waxa ku jir qaar aanu si toosa madaxwaynuhu u qabanin o ama wasiir qabtay ama cidkale oo dawlada ka tirsan, balse markan waxyar xumaadaanba waata la caayo Madaxwaynaha se markan wax wanaagsan dhaco maxa isaga loogu hambalyayn waayay ileen waa isagu dadka uu halkan u doortay ee uu keenay.

 

Hadii fooq halka laga dhiso oo fooqa lacaayo caydaasi toos waxay ugu socota ninkii engineerka ah hadii si qurux badan loo dhisana oo la’amaano amaantaasi toos waxay ugu socota ninka Engineerka ah.

 

Hadalkayga waxaan ku soo koobaya Madaxwaynaha aan soo dooranay markastaba hala tix galiyo oo aflagaadada hala ilaaliyo, hana la ixtiraamo waxan lagu soo qorayo website-ska waxa daawanaya dad badan oo aan jeclayn horumarkena iyo wax wada qabsigeena toona marka nacabka ha inoo jabinana

 

Somaliland Somaliland Somaliland Somaliland ALLaw Daa

 

Happy 18/May/2014 23th Anniversary of Somaliland Independence

 

Caafimaad qab iyo rayrayn ale ha inagu gaadhsiiyo

 

Khaalid C/qaadir Sahal

www.facebook.com/khaaalid

khalidcsahal@live.com