Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Dadweyne Farro badan kala qaybgalay salaada roobdoonta.
Posted by ifraax on April 26 2014 23:51:32

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil  (Saylici) ayaa Maanta  salaadii roobdoonta kula Tukaday Dadweyne aad u faro badan Garoonka kubada Cagta.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil  (Saylici) ayaa Maanta  salaadii roobdoonta kula Tukaday Dadweyne aad u faro badan Garoonka kubada Cagta ee Dhalinta Kacaanka ee magaalada hargeysa.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Dadkii Salaadaasi roobdoonta ah ka soo qaybgalay qudbad u jeediyey isaga illahay ka baryeye in uu inoo shubbo Raxmaadkiisa , waxaanu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay is wada cafiyaan si ay naxariista eebe u helaan.

Dhanka kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay culmi awdiin farro badan kuwaasi oo bulshada reer somaliland ugu baaqay in illahay ay unoqdaan oo ay baryaan si raxmaadkiisa u siiyo

Guud ahaan Gobolada Dalka Somaliland ayaa Maanta si weyn looga oogey Tukashada salaada roobdoonta ah.

 


Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.