Madaafiic Xalay lagu Duqeeyay Xaafado ka Tirssan Degmada Wadajir ee magalada mogdisho.
Posted by ifraax on May 02 2014 20:31:44

Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic hoobiyeyaal ah.


Extended News

Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.


Madafiicdan oo ahaa kuwo is-daba-joog ah ayaa xalay 11:00 habeenimo waxaa laga maqlayay inta badan Muqdisho, waxaana madaafiicdan qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dad rayid ah deggen yihiin.

Xubnno ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegaya in madaafiicdan ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsanayay jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ah saldhig ay daggan yihiin ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM.

“Waxaan aragnay maydadka afar qof iyo dhaawaca 10-qof oo qaarkood xaaladdoodu aad u darnayd dhaawacyada gaaray awgood,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xegmada Wadajir oo warbaahinta la hadlay.

Dhinaca AMISOM lama oga khasaaraha kasoo gaaray duqeymahan, mana jiro hadal kasoo baxay AMISOM oo ku saabsan madaafiic lagu weeraray mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaalla Muqdisho.

Inkastoo aan la ogeyn kooxaha ka dambeysa duqeyntan ayaa haddana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada waxay sheegeen in laga tuurayay madaafiicda gaari yar, ayna ku raad-joogaan sidii ay kusoo qaban lahaayeen kooxahaas.

Dadkii ku dhaawacmay duqeynta ayaa la dhigay isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo degmooyinka gobolka Banaadir la duqeeyo xilli habeen ah.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.