Gabar somaliyed oo basbaaska cuntada ka taajirtey wadanka mareykanka.
Posted by xaaji on May 03 2014 13:47:39

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool waddanka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa waxa ay fusado ganacsi ka heleen dalkaasi.
Sacdiyo Sariif Hassan, waxa ay ka mid tahay dadkaasi.


Extended News

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool waddanka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa waxa ay fusado ganacsi ka heleen dalkaasi.
Sacdiyo Sariif Hassan, waxa ay ka mid tahay dadkaasi, oo waxa ay madax ka tahay shirkad basbaaska soo saarta oo la yiraahdo Sadia sauce.


Shirkadan ayaa qiimaheeda lagu qiyaasaa $20 million oo dollar.
Sacdiya oo shirkadda ku aasaastay gurigeeda ayaa haatan sheegtay in basbaaskeeda lagu iibiyo in ka badan 25 kun oo dukaan.
Weriyaha BBC-da Mohamed Haji Hussien ayaa Sacdiyo wareystay, waxa uuna marka hore waydiiyay sida ay ku abuurtay shirkadda.

HargeysaOnline.Net