Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka somaliya oo ka badbaaday Qarax.
Posted by xaaji on May 03 2014 14:01:22

Xildhibaan C/llaahi Axmed Coonka oo ka mid ah xubanaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu qaarijin lahaa kaddib markii miino loogu xiray gaarigiisa.


Extended News

Xildhibaan C/llaahi Axmed Coonka oo ka mid ah xubanaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu qaarijin lahaa kaddib markii miino loogu xiray gaarigiisa.

Mudanahan ayaa sheegay in waardiyaha hoteel ay deggenaayeen oo Xamarweyne ku yaalla uu u sheegay in gaarigiisa agtiisa ay ku meereeysanayeen dhallinyaro aan la garanayn, taasoo keentay buu yiri inaan Waco saldhigga booliiska si baaritaan loogu sameeyo gaariga.

“Waxaanu la xiriirnay saldhigga booliiska Xamar-weyne, intii baaritaanku socday ayuuna gaarigu qarxay, ma jirto cid wax ku noqotay, gaariguna ma ahan mid rajo dambe leh,” ayuu yiri xildhibaan C/llaahi Coonka.

Xildhibaanka ayaa markii uu warbaahinta la hadlayay waxaa codkiisa ka muuqday argagaxa uu ka qaaday qaraxa, iyadoo mar la weydiiyay inay jirto cid uu falkaas ku tuhmayo, ayaa sheegay in marka hore uu u baahan yahay inuu dago, kaddibna uu ka hadli doono.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne, C/qaadir Maxamed C/qaadir oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in gaariga xildhibaanku uu yaallay afaafka hore ee horteelka 900 ee degmada Xamarweyne, laguna soo wargeliyay in miino lagu xiray.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxihii miinada ku xiray gaariga ay si lama filaan ah u qarxiyeen intii uu baaritaanku socday, balse aysan jirin cid illaa iyo hadda ay u soo qabteen falkaas.

Dhammaadkii bishii hore ayay ahayd markii sidan oo kale gaari miino lagu xiray lagu dilay xildhibaan Isaaq Riino oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, iyadoo qaraxaasna uu ku dhaawacmay xildhibaan kale.

HargeysaOnline.Net