Isbedelka Ka Hano Qaaday Madaarada Somaliland.
Posted by ifraax on May 05 2014 17:03:15

Markii ay talada Dalka qabatay xukuumaddan uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud Siillaanyo , sanadkii 2010-kii, wuxuu madaxweynaha Somaliland u magcaabay wasiirka Duulista Hawada. 


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Markii ay talada Dalka qabatay xukuumaddan uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud Siillaanyo , sanadkii 2010-kii, wuxuu madaxweynaha Somaliland u magcaabay wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa hormoodkii xisbiga KULMIYE ee isbedelka keenay. Wasiir Xaashi wuxuu la wareegay madaaro dayacan dhinaca kastaba ka burbursan maamul ahaan iyo dhisme ahaanba, wasiirku wuxuu xooga saaray sidii uu madaarada uga hirgelin lahaa maamul wax ku ool ah iyo dhalinyaro aqoon leh.

Taasi waxay noqotay mid uu wasiirku ku guulaystey maantana waxaa madaarad Somaliland ka hawl gala gaar ahaana madaarka calamiga ah ee Igal International Air port, boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo qalin jebiyey jaamacadaha dalka iyo kuwa dibeda kuwaasoo kor u qaaday sumcadii maamul ee madaarada Somaliland, waxaana madaarada laga dabar-gooyey wixii la odhan jirey musuq-maasuq, waxaana laga hirgeliyey maamul wanaag iyada oo loo shaqaynayo sida maadarada caalamka. Waxaa dib loo dhisay Run-wayga ay diyaaraduhu ka haadaan ee madaarka Igal, oo la dhisay 1954-kii ilaa waqtigana aan waxba laga qaban, waxaana waqtigan soo fadhiista madaarka Hargeysa diyaaradaha ugu waaweyn sida Air bas iyo qaar la mid ah. Iyada oo lagu dhisay lacagtii ay dowlada Kuwait Somaliland u deeqday, taasoo uu dedaal badan ka galay wasiirka Duulista Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaa kale oo markii ay dowlada Kuwait ku qanacday qaabkii wanaagsanaa ee loo maamulay lacagtii ku baxday madaarada Hargeysa iyo Berbera ay shan milyan oo danbe oo Extension ah, taasoo muujinaysa sida qiimaha leh ee loo maamulay mashruuci hore oo ah ka aynu midhihiisa ay bulshadu guranayso, iyada oo madaarka caasimada la gaadhsiiyey heer ay hay’adda qaramada-midoobey u qaabilsan hawada ee UNITED NATIONS CIVIL AVAITION ORGANITION {UNCAO} ku qiimaysay Category 7 iyada oo markii hore uu ahaa Category 2, iyada oo marka uu dhamaado qaybta lagu kordhiyey la gaadhsiin doono madaarka caasimada Category 10. Sidoo kale waxaa mashaariic xoog leh laga hirgeliyey Madaarka Caasimada ee Igal Airpor, mashaariicdaasoo ay fuliyey wasaarada Duulista, waxaa la balaadhiyey ternimaalka laga dhoofo oo aad u yaraa imikana qaadayaa markiiba in ka badan kun qof oo dhoofaya,

waxaa madaarada laga hirgeliyey mashruuc aad u wayn oo ah dhinaca ammaanka, iyada oo la dhigay mishiino dadka iyo shandahaba lagu baadho taasoo ka dhigtay madaarada Somaliland in ay noqdaan kuwao ammaankoodo aad u adag yahay {security Tight}, taasina waxay ka dhigtay madaarada Somaliland in ay noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay caalamkuna ku qanco. Waxaa kale oo waqtigan isna socda fence lagu wareejinayo madaarka caasimada oo imika dhamaad ah, sidoo kalena mustaqbalka dhowna uu yeelan doono light habeenkii ah si xilli kasta looga dhoofo loogana soo dego, guulahan ka hirgalay madaarada Somaliland waxaa hormood ka ahaa oo illaahay ku guuleeyey Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ee uu hoggaaminayo madaxweyne Siillaanyo.

Waxaa isna mashaariic qiimo badan laga hirgeliyey madaarka caalamiga ah ee Berbera Airport, kaasoo laga dhisay terminal aad u weyn oo dhaxal gal ah iyo dayr aad u dheer oo lagu wareejiyey madaarka oo dhan, iyada oo madaarka Berbera ku yaallo goob muhiim ah oo marso ah, taasoo dano badan aduunku ka leeyahay. Wasiirka Duulistu waxaa kale oo uu dedaal badan ka galay sidii hawada Somaliland ay u soo geli lahayd gacanta Somaliland, iyayada oo waqtigan hay’adaha Somaliland iyo Somalia ay wada maamusho garamada-midoobey gaar ahaana koox si gaar ah ugu faa’iidaysata oo lagu magcaabo CIVIL AVAITION CARETAKER AUTHORITY FOR SOMALILAND AND SOMALIA {CACAS}, wasiirku wuxuu waqtigan ku hawlan yahay sidii Somaliland hawadeeda u maamulan lahayd halka ay u socdaan wada hadalo Somaliland iyo Somaliya, kuwaasoo lagu heshiiyey dalka Turk in hawada laga maamulo caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaa hubaal ah in wasiirka Duulista Hawada Somaliland uu taariikha baal dahab ah ka gelayo marka la qiimeeyo waxaa uu umadda u qabtay mudadii uu xafiiska joogay.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.