Daawo Shoppingka 18 may oo meelkaste lagu iibinaya calanka Somaliland ayaa ka babanaysa.
Posted by ifraax on May 05 2014 17:12:24

18 May waa maalin aad qaali ugu ah Somalilanders oo dhan, waa maalin aad looga xuso Gobolada Somaliland oo dhan, waa maalin dad aan is arki jirin ay is arkaan oo ay isku soo baxaan. 


Extended News

Waa Maxay 18May

18 May waa maalin aad qaali ugu ah Somalilanders oo dhan, waa maalin aad looga xuso Gobolada Somaliland oo dhan, waa maalin dad aan is arki jirin ay is arkaan oo ay isku soo baxaan , waxa ka wayn oo ka munaasibad balaadhan oo kaliya labada ciidood ee Islamka(Ciidul Adxa iyo Ciidul Fidri), maalintani waa maalinta ay Somaliland Heshiiska ay kala soo noqotay Somalia, waxaana Xoreyay oo naftooda u hibeeyay SNM dhamaantoodbana waxaan ilaahay uga baryayna Jannatul firdawsa waxa hoosta ku qoran iyo farxadan iyaga ayaa sabab u aha ilaahay ka sokow, waxa xornimada lagaga dhawaaqay Burco Togdheer.

Diyaar Garawga 18May

Waxa si wayn looga dareemaya u diyaar garawgii 18 May gaar ahaan Caasimada Somaliland ee Hargeisa waxaad arkaysa meelkasta oo ganacsi iyada oo laga taagay Calanka Qiimaha wayn ku fadhiya ee Somaliland , wadooyinka waxaad ku arkaysa iyada oo lagu iibinayo dhar ka samaysan Calanka Somaliland, Koofiyado,Gacmo,Tia,Surwaal,Garan,Toob IWM, qofkasta oo isku daya inuu wax iibsado waa uu ka helaya ila qofka yare imika dhasha, marka alaabtan kuma qorna Kalmada tawxiidku waayo waa shay meelkasta lala gali karo, calan-ka halka sare la saarayo ee wayn mooyee kuwa yaryar ee dadku gacanta ku qaadanayaana kuma Qorna Kalmada Tawxiidku waana wax aad looga soo taxadiray oo rag khubaro ah soo sameeyeen.

Macnaha Calanka Somaliland

Calanka Somaliland waxa uu ka koobanyahay Casaan,Cadaan,Akhtar iyo Xidig Madaw, sida ay u kala sareeyaan iyo micnaha ay ku fadhido hoos ka eeg:

1. Akhtar(Green): Macnahiisu midabkan waxa weeyaan Cagaar ama Doog, waxaana lagu fasira Barwaaqo iyo rarayn in lagu jiro oo wax dhib ahi aanay jirin .

2. Cadaan(White): Macnahiisu midabkan waa Nabad, Waxaana lagu fasira oo ay ka turjumaysa nabada taala dalka iyo in aanay jirin cid cid ku xadgudbaysa oo dulminaysa ama dilaysa.

3. Casaan(Red): Macnahiisu waa dhiig, waxana badanka loga jeeda Dagaal waxayna cadaynaysa in uuna wax dagaal ahi kajirin aanan doonayn in wax dagaal ama dad lagu dhibo aanan samaynin wuuna ugu hooseeya.

4. Xidigta Madaw(Black Star): macnaheedu waxa weeyaan Xidigtani 5 geesood oo la isku odhan jiray 5 somaliyeed(Somaliland,Somalia,Djabouti,Somali-Kenya,Somali-Ethiopia) xidigtani macno wayn ayay ku fadhida markii Somaliland ay 1960 ka qaadatay xornimada UK Protectors ayay jeclaatay in walaalaheed ay midayso 5 Somaliyeed laakin dhib mooyee marnaba dheef kalamay kulmin, marka sidaas ayaa xidigtan loo madoobeeyay macnaheeduna waa 5 Somaaliyeed ma jirto.

Heesta Calanka Somaliland (Samo Kuwaar)

'Samo ku waar, samo ku waar, saamo ku waar Sarreeye calanka sudhan bilay dhulkiisaa, Samo ku waariyoo iyo bogaadin sugan Hanbalyo suuban kugu salaannee saamo ku waar Geesiyaashii naftooda u sadqeeyay qarannimada Somaliland Xuskooda dhowrsan kugu salaannee samo ku waar Guulside xanbaarsan soo noqoshaddiisa kalsooniduu mutaystayee dastuurka ku salaannee Midnimo walaalnimo goobanimo islaanimo kugu salaanee samow samidiyo samo ku waar samo ku waar saamo ku waar’

ssswq1.jpg

ssswq2.jpg

ssswq3.jpg

ssswq4.jpg

ssswq7.jpg

 

Khaalid C/qaadir Sahal

www.facebook.com/khaaalid

khalidcsahal@live.com