Ilmo yar oo ka soo dhacey dabaqa 11aad qobolka minesota.
Posted by ifraax on May 16 2014 09:55:45

Wiil yar oo asalkiisu uu Soomaali yahay ayaa badbaaday, kaddib markii uu kasoo dhacay balakoonka dabaqa 11-aad ee dhisme ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Marayakanka.


Extended News

Wiil yar oo asalkiisu uu Soomaali yahay ayaa badbaaday, kaddib markii uu kasoo dhacay balakoonka dabaqa 11-aad ee dhisme ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Marayakanka.


Wiilka oo da'diisu ay sannad iyo saddex bilood oo qura tahay, waxaa lagu magacaabaa Muuse Guuleed. Xaaladdiisu way culus tahay, waxaana xilligan lagu dabiibayaa xarunta caafimaadka ee Hennepin.Shilka ayaa dhacay xilli aabaha wiilkan oo lagu magacaabo Guuleed Axmed uu isaga iyo gabar kare oo saddex jir ah oo uu dhalay kula ciyaarayey balakoonka qaybta ay ka deggen yihiin dhismaha Riverside Plaza.Aabe Guuleed ayaa aadey dhanka jikada (Kushiinka), waxyar kaddibna waxaa usoo gashay gabadha yar oo qaylineysa, waxayna u sheegtay in Muuse Yare uu dhulka u dhacay.Nasiib wanaag intii uu dhulku usii socdey ma taaban derbiga dhismaha, biraha iyo qalabka korontada ee dhismaha ku xiran.Cunuggii mucjisada ahaa!Dhakhaatiirta iyo dadka deriska la ah qoyskiisu waxay Muuse u bixiyeen magaca ah "ilmihii mucjisada ahaa", taasoo ay sabab uga dhigeen qaabka la yaabka leh ee uu ku badbaadey.Dhanka kale, Dr. Tina Slusher oo ka tirsan dhaqaatiirta la tacaaleysa xaaladda caafimaad ee wiilka yar, kana hawlgasha qaybta daryeelka carruurta ee xarunta caafimaadka Hennepin ayaa sheegtay in Muuse uu dhaawacyo badan qabo, haseyeeshee xilligan ay xaaladdiisu degen tahay."haddii aniga ama adigu aan kasoo dhici lahayn meel intaas dherer le'eg sina kuma badbaadneen" Tina Slusher ayaa tiri iyadoo intaas raacisay "waa Ilaah mahaddiis haddiiba uu badbaadey isagoo meesha sidaas u dheer kasoo dhacay..."Muuse wuxuu dhaawac ka qabaa maskaxda, sambabada iyo laf-dhabarta, sidoo kale waxuu ka jabay feeraha, gacmaha iyo lugaha.Dadka deggen dhismaha Riverside Plaza oo badankoodu ay Somali-American yihiin, waxay horay uga codsadeen shirkadda iska leh dhismaha inay dayactir ku samayso, gaar ahaan inay albaabo adag geliso dhanka balakoonada si looga taxadaro masiibooyin tan hadda dhacday oo kale ah.George Sherma oo isaga qoyskiisu ay leeyihiin islamarkaana maamulaan dhismeyaal badan oo Riverside Plaza uu kamid yahay, ayaa sheegay in Muuse aanu ahayn ilmihii koowaad ee dhismahan ka dhaca, haseyeeshee sannadkii 1998 wiilka kale oo labo sano jir ahaa uu geeriyoodey kaddib markii uu ka dhacay dabaqa lixaad.Sherma wuxuu intaas ku daray in 25% dadka dhismahaas deggeni ay soo codsadeen in la xiro balakoonadooda, iyagoo taas ka jawaabayana ay albaabyo iyo qalab kale ku kharash gareeyeen lacag gaareysa 65 milyan oo doolarka Maraykanka ah.Magaalada Minneapolis ee ka tirsan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, waa magaalada ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool.

 

HargeysaOnline.net