Mudane Aino-Kaisa PEKONEN oo mooshin kaga dalbatay baarlamaanka Finland in Somaliland la qoonsado.
Posted by ifraax on May 19 2014 08:36:36

waxa mudane ka tirsan baarlamaanka Finland oo magaceeda la yidhaa Aino-Kaisa PEKONEN hor geysay baarlamaanka Finland mooshin qoraal ah oo ay kaga dalbatay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.


Extended News

 

Khamiistii, 15ka May 2014 waxa mudane ka tirsan baarlamaanka Finland oo magaceeda la yidhaa Aino-Kaisa PEKONEN hor geysay baarlamaanka Finland mooshin qoraal ah oo ay kaga dalbatay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isugu la kulmay Gudoomiyaha xisbiga mudanaha mooshinka gudbiyey ka tirsan yahay oo la yidhaa Vasemmistoliitto party,  Md Paavo ARHINMAKI oo dhawaan iska casilay xilka Wasiirka Dhaqanka ee Finland.  Gudoomiyuhu waxa uu mudane ARHINMAKI ka codsaday in xisbigiisu taageero gooni isutaagga Somaliland taas oo uu Md  ARHINMAKI  ka aqbalay.
Sida ay tilmaamayaan shuruucda dalka Finland waa in xukuumadda Finland mooshinada noocan oo kale ah kaga soo jawaabtaa muddo aan ka badnayn saddex todobaaad.

finnish_parliament1.jpg

sawir4danish.jpg

 

Mudane  PEKONEN waxa ay xarunta baarlamaanka Finland kulan dheer kula yeelatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL una sharaxday nuxurka mooshinka nuqulna Gudoonsiisay Gudoomiyaha.
Mooshinkan waxa taageeray axsaabta ay bah wadaaga yihiin xisbiga Vasemmistoliitto.
Intaas waxa ka dib waxa baarlamaanka hortiisa mudaharaad lagu taagerayo mooshinkan ka hor sameeyey Jaaliyadda Somaliland ee Finland, waxaana banaanka ugu soo baxay mudanyaal  ka tirsanaa axsaabta dalka Finland ee taagersan mooshinka.
 
                    
 
Yasmin Raygal
   General Director of WADDANI Party
Cell Phone:  00252-63-4-424393
 Office TEL:  00252-2-527443
 
 Hargeisa  - Somaliland