Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo qaadacay Liisaskii Golaha Dhexe iyo guddida fulinta.
Posted by abdi on May 23 2014 19:43:34

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaaahin Azxmed ayaa war ay warbaahinta qaarkeed ay siiyeen goor dhaweyd si rasmi9 ah shaaca uga qaaday in aanay Ogolay Liisaskii Guddida. 


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaaahin Azxmed ayaa war ay warbaahinta qaarkeed ay siiyeen goor dhaweyd si rasmi9 ah shaaca uga qaaday in aanay Ogolay Liisaskii Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee ay shalay ku dhawaaqeen Shirguddoonkii shirweynihii Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin waxa ay ku doodeen sida ay warbaahinta u sheegeen in ay sharci darro tahay in ay shirguddoonkii shirweynuhu ku dhawaaqaan Guddida Fulinta, iyagoo sheegay in ay iyagu xaq u leeyihiin liiskooda.

Hogaanka Kulmiye waxay sheegeen in aanay aqbalayn Liisaskaasi, isla markaana ay iyagu ku dhawaaqi doonaan kuwa Rasmiga ah ee sharciga waafaqsan.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.