Dowladda Somalia la weydiistay inay caddeyso sida ay hubka u isticmaasho.
Posted by abdi on May 23 2014 19:53:46

Warbixin ay maanta soo saareen xubnaha golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin hubka dowladdu ay hesho oo gacanta u gala Al-shabaab.


Extended News

Warbixin ay maanta soo saareen xubnaha golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin hubka dowladdu ay hesho oo gacanta u gala Al-shabaab.

 

Golaha ammaanka ayaa sheegay in qafiifinta cunno-qabateynta hubka Somalia ee ay ogolaadeen ay ku timid qoraal kaga yimid xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo uu ku dalbanayay in dowladda Soomaaliya laga qafiifiyo cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ay dalka nabad ugu soo rogto.

Sidoo kale, golaha ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in hubka Soomaaliya galaya uu noqdo mid ay dowladdu u adeegsato sidii ay ugu nabdeyn lahayd Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.

“Golaha Ammaanka waxay ka doonayaan dowladda federaalka Soomaaliya inay la timaaddo caddeyn ku saabsan in hubka ay soo iibsatay uu gacanta u galay Al-shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka golaha ammaanka, iyadoo intaas lagu daray in golaha ammaanka uu ka walaacsan yahay sida ay dowladda Soomaaliya hubka u isticmaasho.

Qoraalka Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in warqado cad-cad ay ku caddeyso sida hubka loo isticmaalo, iyadoo goluhu uu sheegay in dib ay u eegi doonaan bisha Oktoobar ee sannadkan cunno-qabateynta hubka ee Somalia saaran, haddii ay ku qancaan qoraalka ka yimaada dowladda Soomaaliya.

“Golaha ammaanka waxay dowladda Somalia weydiisanaysaa inay warbixin ay ku caddeynayso warbixintii ay horay u soo direen guddiga gaarka ah ee golaha ammaanka,” ayaa lagu yiri warbixinta golaha ammaanka.

Dhanka kale, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xariiqay in lasoo caddeeyo qalabka ay adeegsadaan ciidamada xoogga, iyadoo qoraalka lasoo marinayo la-taliyaha xafiiska ciidamada ammaanka Soomaaliya.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay caddeynta sida hubka loo isitmcaalo ay la kaashato quburo caalami ah. Kooxdu waxay diiradda saarayaan sida loo caddeeyay isticmaalka qoryaha iyo rasaasta iyo sida loo koontaroolayo hubka dowladdu ay hesho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn, golaha ammaanka ayaa ku boorriyay beesha calaamka, UNSOM, iyo Midowga Afrika inay dowladda Soomaalia ka caawiyaan sidii salka ugu dhigi habka ay hubka iyo rasaasta u isticmaali lahaayeen, ayna ku taageeraan sidii ay ugu caawin lahaayeen dhaqaale.

Golaha Ammaanka ayaa qoraalkooda ku xusay in dowladda federaalka Somalia ay macquul ah u caddeyn lahayd habka ay ku maareyso hubka ciidamadeedu ay adeegsadaan. Iyagoo sheegay in bilhii lasoo dhaafay ay dowladda Soomaaliya sameysay horumarro muuqda.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.