Nin somali ah oo lagu dilay south africa isagoo jooga madaxweyne xasan dhuxulow isla magaaladaasi.
Posted by abdi on May 23 2014 20:05:54

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Salaad Xagaleey ayaa xalay kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah waxa ay ku dileen Degmada Delft ee magaalada Cape town.


Extended News

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Salaad Xagaleey ayaa xalay kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah waxa ay ku dileen Degmada Delft ee magaalada Cape town.
Burcadda dishay ganacsade Salaad Xagaleey ayaa la sheegay inay isku dayayeen inay dhacaan dukaan uu alaab u waday marxuum oo uu lahaa ganacsade Soomaali ah, waxaana la sheegay in marxuumka uu ku dhagay mid ka mid ah Burcadda,iyadoo uu kor ka toogtay mid ka mid ah Burcadda.
Mustaf Cali Muudeey ayaa Hargeysa Online u xaqiijiyay dilka ganacsadaha, waxaana uu sheegay in manta lagu aasi doono Qabuuraha Muslimiinta ee Athlone ee magaalada Cape Town.
Dilka Marxuum Salaad Xagaleey ayaa kusoo beegmaya xilli manta gelin Dambe uu dalka Koonfur Afrika soo gaarayo madaxweynaha mogdisho  Xasan Sheekh dhuxulow

  

HargeysaOnline.Net