Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Xarunta Baarlamaanka.
Posted by ifraax on May 24 2014 22:36:02

Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyooday weerar ay Al-shabaab ku qaadday maanta xarunta golaha baarlamaanka, kuwaasoo ay ku jireen xoogagii Al-shabaab ee weerarka qaaday, iyadoo ay dhaawacyo fara badan jiraan.


Extended News

 

Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyooday weerar ay Al-shabaab ku qaadday maanta xarunta golaha baarlamaanka, kuwaasoo ay ku jireen xoogagii Al-shabaab ee weerarka qaaday, iyadoo ay dhaawacyo fara badan jiraan, qaarkoodna ay ahaayeen xildhibaanno. Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacday gudaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya intii uu weerarku socday, iyadoo xoogagga ay ku guuleysteen in baarlamaanka ay gudaha u galeen, balse ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ku guuleystay inay halkaas ka saaraan inta badan xildhibaannadii baarlamaanka. Xoogaga Al-shabaab ee baarlamaanka weeraray ayaa la sheegay inay tobaneeyo ruux ahaayeen ayna ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda, qaarkoodna ay qaraxyo sameeyay, iyagoo weli ka dhex-dagaalamaya gudaha baarlamaanka. Xildhibaanno dhaawac ah oo laga soo saaray xarunta baarlamaanka ayaa qaar u sheegay warbaahinta inay dhibaato xooggan ka dhacday, ayna xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka waxyeello kasoo gaartay.

Mid ka mid ah xildhibaannadii laga saaray golaha baarlamaanka Somalia oo lagu magaalada, Maxamed Cabdullaahi Fadhiye oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Wixii dhacay way dhaceen, xildhibaannada qaar ka mid ahna way wanaagsan yihiin, howlgalkuna wuu socdaa, ciidammo ka tisan kuwa dowladda iyo AMISOM ayaana wada, anigu waxaan maqlay dhaawacyo qaar ka mid ah xildhibaannada, askarna way ku dhinteen, haddana lama faahfaahin karo sida ay wax u jiraan.” Warar aan la hubin ayaa sheegaya in xildhibaannada weerarkaas ay waxyeelladu kasoo gaartay ay ka mid yihiin xildhibaan, Cumar Maxamed Maxamuud (Finish) iyo Cabdalla Boos Axmed, balse guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed SheekhCismaan Jawaari ayaan joogin golaha baarlamaanka xilliga uu weerarku dhacayay. Xildhibaannadii laga saaray xarunta baarlamaanka ayaa waxay hadda ku sugan yihiin xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood ay sheegeen inay ku fashilantay wasaaradda amniga sugidda ammaanka dalka. Sidoo kale, mudanayaashan waxay sheegeen in weerarkan uu ka mid yahay kuwa ay Al-shabaab ku carqaladeynayso ammaanka guud ee dalka, aysanna ahayn markii ugu horreysay oo ay weerar noocan oo kale ah fuliyaan.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay weerarkaas iyagu fuliyeen ayna ku beegsanayeen xildhibaannada baarlamaanka isagoo aan bixin faahfaahin intaas ka badan. Xoogaggii Al-shabaab ee weerarka qaada ayaa la sheegay in qaarkood ay weli ku sugan yihiin xarunta golaha baarlamaanka oo ayna dagaal kula jiraan ciidan ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM oo iyaguna gudaha u galay xarunta.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.