Baashe Cawil oo Maxkamada ka hor Akhriyay Wararkii Wargeyska Haatuf ka Qoray.
Posted by abdi on May 27 2014 00:46:12

Iyada oo Maalintii Axadii la guddo galay Fadhigii Labbaad ee Dacwadii u dhexeysay Baashe Cawil iyo Masuuliyiin Wargeyska Haatuf, ayaa markii ay furantay  ayaa Baashe Cawil Maxkamadda ka hor sheegay in Wargeyska Haatuf  ka qoray warar been abuur ah.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Iyada oo Maalintii Axadii la guddo galay Fadhigii Labbaad ee Dacwadii u dhexeysay Baashe Cawil iyo Masuuliyiin Wargeyska Haatuf, ayaa markii ay furantay  ayaa Baashe Cawil Maxkamadda ka hor sheegay in Wargeyska Haatuf  ka qoray warar been abuur ah isla markaana ku dooday in ay tahay arrin gef ku ah qofnimadiisa, waxaana su’aalo weydiiyey Qareenadii Difaacayey Wargeyska Haatuf.

Baashe ayaa ugu Horeyn Maxkamada ka sheegay Qodobada aan Salka iyo raadka lahayn ee uu wargeyska Haatuf ka Qoray waxaanu Maxkamada Horteeda ka Akhriyey Warar uu sheegay in ay yihiin Sumcad Dilis waxaanu Qodobadii Maxkamda Horteeda uu ka sheegay waxay ahayeen Siddan. “Waxyaabaha Sharaf iyo sumcad dilid ee uu Wargeyska Haatuf uu iga qoray waxa ka mid ahaa  Bishii April wuxu Wargeyska Haatuf qoray War ku saabsan Wiil uu Madaxweynuhu Sodog u yahay oo  19 Mashruuc tuuladiisii uu geyey isaga oo waata Sagaal Wasiir, qodobkaasi waa Qodob ka mid ah qodobada aan Jaraa’idka Haatuf ku soo dacweyey aniga oo ah Muwaadiin Somalilander ah oo shicib ah, Runtii Arrintaasi uu wargeyska Haatuf iga qoreyn may ahayn mid Sal iyo Raad toon ah leh waana been cad, waxa Mashaariic ah oo aan Tuladeyda geeyeyna ma jirto, mana jirto wasiiro aan kaxaystay awood aan ku kaxeystan ma lihi, laakiin waxay ahayd  Mid aniga toos laysoo abaaray oo sharaftayda shakhsiyan in lagu dilay ay tahay, wasiiraduna ay ahaayeen wasiiro dawlada Somaliland ka socday, marka waxaan leeyahay Arrintaasi ay iga qoreen cadeynteeda iyo halka ay ka keenen Maxkamada ha horkeenan.”Ayuu Baashe Cawil  maxkamada ka Yidhi

Isaga oo sii waata Wararka Kale ee wargeysku ka qoray ayaa waxa kale oo uu Maxkamada ka yidhi Sidan. “Qodobka Labbaad ee wargeyska Haatuf uu iga qoray waxa uu ahaa mid ku soo baxay Bishii April 4-teedii oo ahayd Aniga oo ah Baashe in aan Warqad ka sito Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh oo ah mid aan ganacsiga Somaliland iyo Somaliya aan ku matalayo, marka arrintaasi laftigeeda waxaan Maamulka Wargeyska Haatuf Guddoomiyaha iyo Tifatirahaba ka codsanayaa in ay arrintaasi cadeeyan ee ay leeyihiin wuxu haystaa haystaa warqad, Qodobka Saddexaad ee Haatuf uu iga qoray waxa weeyi Qoraal lagu qoray Bogga Haatuf.net oo ay yidhahdeen labba Milyan oo lacag ah oo hore looga qabtay oo dib loogu soo celiyey iyada oo lacag faalso ah ay dawlada Keniya ay u soo celisay, waxaanan leeyahay Warkaasi sal iyo raad toona malaha waxa lacag ah oo layga qaadayna ma jirto,  Qodobadaasi ayaa ka mid ahaa Qodobaadii uu Baashe Cumar uu maxkamada horteeda ka sheegay isaga oo hoosta ka xariiqay wakhtigaasi dhegeysiga maxkamada lagu jiray in tan iyo Maalintii ay Bilaabeen in ay Qormooyin been ah ka qoraan ay u dheertay Cay, Sumcad dilis joogto u noqotay oo ay ka baahin jireen Maamulka Wargeyska Haatuf, waxa kale oo Baashe Maxkamada ka hor sheegay in uu saddexdaasi Qodob in ay soo bandhigaan cadeymihii wararka ay ka qoreen.

Intaa Markii uu Baashe Cawil Maxkamada ka hor sheegay ayaa waxa Bilaabmay in Qoladii Xeer illaalinta ka socday iyo qoladii Loyaradii difaacayey wargeyska haatuf ay su’aalo waydiiyan, Xeer illaalintii waxay waydiisay in ay jirto waxa dhibaato ah oo  hore u dhex martay  Baashe iyo Yuusuf Cabdi gaboobe , waxaanu halkaasi ka sheegay in wax dhibaato ah ama dagaal ah oo dhex maray aanay jirin, waxa kale oo ay waydiiyeen in uu garanayo sababta ka danbeeysa ee uu wararkaasi uga qoreyey, waxaanu ku jawaabay in aanu garanayn, balse Yuusuf Cabdi gaboobe la waydiiyo.

Halka Markay sheekadu mareysay Qoladii  Difaaceysay Wargeyska Haatuf ayaa Su’aalo waydiiyey Baashe waxana Su’aalihii ka mid ahaa Waliga Xamar ma tagtay? waxaanu Baashe ku jawaabay in aanu Xamar Tegin. waxa kale oo ay waydiiyeen in aanu wargeysku Xusin magacisa oo uu yidhi wiil uu madaxweynuhu Sodog u yahay ayaa Deegankiisi geeyey Mashaariic maxaad ku cadeynaysaa in adiga lagu sheegayo, waxaanu ku jawaabay in aanay jirin qof kale oo madaxweynaha la xidid ah oo deegankiisa Mashaariic laga fuliyey maalintaasi warka uu wargeysku qorayey, waxaanan u arkaa arrin aniga layla jeeday oo aniga laygu weerarayey oo warar been ah layga qorayey, warkaasi ka horna wargeysku waxa uu iga qoray warar ka horeyey oo eedeymo laygu soo jeedinayey waxaan u arkaa in ay kuwii daba socoto. Waxa kale oo ay waydiiyeen Waxa uu ka shaqeeyo ee uu qabto, waxaanu ugu jawaabay in uu yahay Nin Ganacsade ah, intaasi waxay raaciyeen in Hantidiisu sugnayd madaxweynuhu intii aanu madaxweyne Noqon, waxa uu ku jawaabay in hantidiisu sugnayd oo uu ahaa nin iskii u shaqeysta Hanti lahaa Guryo lahaa, isaga oo hoosta ka xariiqay in waxaasi oo dhan cadeymaheedii uu hayo haaddii loo bahdo uu maxkamada horkeenayo, waxa kale oo ay Waydiiyeen in uu Gurri Baashe ka Iibsaday Caasimada Keniya ee Nairoobi maxaase aad ka doonta Nairoobi mise ma noo sheegim kartaa in aad kiinay aad tagto iyo in kal? waxaanu ku jawaabay waan ku sheegi karaa oo Nairoobi waan tagaa reerkay degen, waxa kale oo ay waydiiyeen in ay jirto in uu Gurri ka Iibsaday Nayroobi oo ay lahayd safarada Najeeriya, waxaanu sheegay in aanay jirin waxa gurri oo uu ku leeyahay Nayroobi iyo mid uu iibsadeyba, laakiin Nayroobi waan ku noolahay reerkayga degen gurri Kiro ahana waan ku jiraa, haaddii loo bahdo in guriga aan ku jiraa uu yahay gurri kiro ah waan soo bandhigi karaa oo waxaan haystaa heshiiskii gurig aan ku kireystay,

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online. 
Hargeysa Somaliland.