Doorasho Madaxweyenimo oo ka bilaabatay Masar iyo amniga oo la adkeeyay.
Posted by abdi on May 27 2014 01:19:24

Dalka Masar ayaa waxaa maanta ka billaabatay doorashada madaxweyenimada dalkaas oo ah tii ugu horreysay oo la qabto tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi. 


Extended News

 

Dalka Masar ayaa waxaa maanta ka billaabatay doorashada madaxweyenimada dalkaas oo ah tii ugu horreysay oo la qabto tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ugu yaraan 200,000 oo askari ay wardiyeynayaan goobaha cod-bixintu ka dhacayso. Wasiirkii hore ee difaaca dalka Masar, C/fataax Al-siisi iyo siyaasiga garabka bidix Xamdin Sabaxi ayaa ah labada musharax ee kaliya oo u taagan doorashadan. Saadaasha la bixinayo ayaa ah in Al-siisi uu kusoo bixi doono doorashadan, taasoo dib ugu soo celinaysa jagada dalkaas ugu sarreysa inuu qabto mas’uul milatari ah, kaddib saddex sano markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak. Mar uu la hadlayay shacabka dalka Masar ayuu Al-siisi wuxuu ugu baaqay inay u soo baxaan doorashada, isagoo sheegay in doorashadan ay tahay mid dalkan ku hoggaamin doonta dimuqraadiyad iyo xasilloni waarta. Al-siisi ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamad Mursi oo si dumuqraadiyad ah lagu soo doortay, kaddib dibad-baxyo Masar ka dhacay, iyadoo madaxweynihii hore iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Masar. Ururka Ikhwanul Muslimiinka ee uu Maxamed Mursi ka tirsan yahay ayaa ku baaqay inaan doorashada laga qeyb-galin, waxaana doorashadan aragtiyo kala duwan durba ka bixiyay madaxda caalamka

HargeysaOnline.Net