Qarax Xoogan Oo ay cidni wax ku noqon ayaa ka dhacey caawa Caasimada Hargeysa.
Posted by abdi on May 29 2014 10:37:49

Qaybaha kala duwan ee magaalada Ayaa laga maqlayay dhawaaqa iyo sanqadha Miino gamceed caawa ka qaraxda Wadada Togdheer Ee Xaafada Goljano Isgoyska Fooqa ilama seeraar dhanka.


Extended News

Qaybaha kala duwan ee magaalada Ayaa laga maqlayay dhawaaqa iyo sanqadha Miino gamceed caawa ka qaraxda Wadada Togdheer Ee Xaafada Goljano Isgoyska Fooqa ilama seeraar dhanka Laagta biya mareenka Wadada qabata guriga shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.
Ciidamada Police-ka ayaa isku gedaamay Gobtaasi  ma jiraan cid wax ku noqotay waa inta laga warqabo ee sidoo kale waxa ay sheegeen in Miina gamaceedani ay ahayd nooca gacanta Lagu farsameeyo ee Looyaqaan ”Shaani” oo la dhigay Wadada.
Geesta kale Cusbitaalka guud oo ka agdhoow goobtani ayaa saraakiil ka shaqaaya dhankooda sheegen inaanay jirin cid lasoo gaadhsiiyay oo wax ku noqotay qaraxani.
Ciidamada Amaanka ayaa ku raad jooga sababta keentay qaraxan cidda ka dambeysa iyo weliba ujeedada looga goleeyahay khalkhalgelinta amniga dalka.
Fiidkii hore ee Caawa ayaa waxa suuqyada hargeysa Dhoobnaa Ciidamada Amaanka waxana baadhitaano xoog ahi ku socday gadiidka isaga kala gooshaya Xaafadaha magaalada


Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.