Dowladda Jabuuti oo Shaacisay inay Adkeysay Ammaanka guud ee Dalkeeda.
Posted by abdi on May 29 2014 17:06:38

Xukuumadda Jabuuti oo ka jawaabaysay hadalkii ay ku sheegatay Al-shabaab inay mas'uul ka ahayd qaraxyadii ka dhacay maqaahi lagu magacaabo La Chaumiere oo ku taalla bartamaha magaalada Jabuuti.


Extended News

Xukuumadda Jabuuti oo ka jawaabaysay hadalkii ay ku sheegatay Al-shabaab inay mas'uul ka ahayd qaraxyadii ka dhacay maqaahi lagu magacaabo La Chaumiere oo ku taalla bartamaha magaalada Jabuuti ayaa sheegtay inay amngia dalka oo dhan xoojiyeen. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuut, Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay inaanu weerarkaas saameyn ku yeelan doonin amniga Jabuuti, ayna wixii hadda ka dambeeya ka hortagayaan kuwa doonaya inay dalkooda dhibaato ka geystaan. “Qaraxyadaas argagixiso marna kuma keeni doono jaha-wareer ammaanka Jabuuti, baaritaannaduna meel wanaagsan ayay noo marayaan,” ayuu yiri Yuusuf oo intaa ku daray in hay’adahooda amniga si gaar ah loo faray inay amniga adkeeyaan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in la ogaaday halka ay kasoo jeedaan labadii qof ee ka fuliyay Jabuuti qaraxaas kuwaasoo ahaa nin iyo naag, balse wuu ka gaabsaday inuu sheego dalka ay labadan qof kasoo jeedaan. “Baaritaannada waa socdaan, kuwii is-qarxiyay waa la ogaaday waddanka ay kasoo jeedaan, laakiinse ma doonayo inaan halkan ka sheego dalkaas,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ay ka gacan siinayaan baaritaanka qaraxii ka dhacay maqaayadda La Chaumiere oo ah goob ay inta badan ka cunteeyaan ajaanibta ku sugan magaalada Jabuuti. “Amniga dalka oo dhan waa la adkeeyay, goobaha ammaankooda sida gaarka ah loo adkeeyay waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo oo dhan, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagaxisada ah,” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen 15 oo kale, balse wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa ku sheegtay warbixin ay soo daabacday in weerarkaas ay ku dhinteen 20-qof oo ay ku jiraan ajaanib, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa shaaciyay habeen hore inay iyagu ka dambeeyeen qaraxaas, isagoo xusay inay ku beegsanayeen laba sarkaal oo dalka Faransiiska u dhashay, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaato ku hayeen dadka muslimiinta ah ee Afrika ku nool.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.