Qaraxii Labaad Oo Caawa Madaxtooyada Dabadeeda Ka Dhacay Iyo Dareeno Ka Dhashay oo Sheegaya In Xukuumadu Ka Danbayso.
Posted by ifraax on May 30 2014 12:49:40

Qaraxii labaad ayaa 24-kii saacadood ee u danbeeyey caawa ka dhacay meel waxyar xaga koonfureed uga jirta Madaxtooyadda Magaaladda Hargeysa. 


Extended News

Qaraxii labaad ayaa 24-kii saacadood ee u danbeeyey caawa ka dhacay meel waxyar xaga koonfureed uga jirta Madaxtooyadda Magaaladda Hargeysa isla markaana kaabiga ku haya dhismihii hore ee wasaaradda ganacsigu gali jirtay, kaas oo loo isticmaalay wax loo yaqaano Bombo Shaanida.

Qaran oo aan si dhab ah loo garanaynin cida ka danbaysa ayaa hadana waxa jira warar sheegaya in xukuumadda Siilaanyo si ay xaalad u abuurto ka danbayso qaraxyadan khasaaraha aan lahayn oo lagu baqo galinayo dadka si loogu shaanbadeeyo kornaylada xisbiga Kulmiye ee khilaafka wayni ka dhaxeeyo madaxtooyadda, kuwaas oo ummada looga dhigayo rag khalkhal galinaya amaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.