Ciidanka RRU oo xalay 1dii weerar ku soo qaaday aqalkii wasiirku xigeenkii hore cabdilaahi abokor kadibna ay qasaaro ay halkaa ku geysteen.
Posted by ifraax on May 30 2014 20:08:02

Marwo Sacdiya Maxamed Cali oo ah Xaaska Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee hore Cabdilaahi Abokor ayaa ka sheekeysay weerar ay sheegtay in xallay ay ku soo qaadeen ciidanka RRU-da waxayna tilmaamantay..


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Marwo Sacdiya Maxamed Cali oo ah Xaaska Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee hore Cabdilaahi Abokor ayaa ka sheekeysay weerar ay sheegtay in xallay ay ku soo qaadeen ciidanka RRU-da waxayna tilmaamantay in sacadu markii ay ahayd 1:oo Habeenomo ay ciidan rasaas ku fureen dhaawaceen mid ak mid ah Illaalada gurriga, halka ay xidheen Wasiirku-xigeenkii iyo labba kale oo illaaladiisa ah.


Sacdiya waxay sheegtay in ciidanka RRU-du bililaqeysteen gurrigeeda oo ay gurteen Dahab farro badan oo ay lahayd iyo Mobiladii gurriga yaalay.

 

03040102Waxay Baaq u dirtay beesha caalamka oo ay sheegtay in ciidanka soo weeraray ay yihiin kuwii dhaqaalaha ay siinayeen ee loogu tallo galay Argagixisada

06Sacdiya oo arrimahasi ka hadlaysaa waxay tidhi. “Aniga oo ah Sacdiya Maxmaed Cali ahna xaaskii Cabdilaahi Abokor xallay waxa nasooweeraray ciidamo aanay garanayn waxa allaale iyo waxay yihiin, sacaduna waxay ahayd 1:00-dii habeenimo waxayna nagu bilaabeen rasaas marka waxaanu moodnay argagixiso , waanu garan waynay waxani waxay noogu dhacayaan, muddo sacad iyo badh ayey Hub nagu ridayeen, gurriga waxa joogay inamo shicib ah oo Waashmano ah oo gurriga illaaliya, runtii inamadii markii xabadu meelwalba lagaga soo riday way isdifaaceen, mid ka mid ah wiilashii way dhawaceen, in kasta oo la leeyahay wuu dhintay Labbana Nolol ayey ku qabteen, ca, bdilaahi Abokorna way xidheen, runtii gurrigu meel nool malaha waydinkaa arkay, anigu waxaan ahaysata shan caruur ah oo ka ugu weyni yahay 9Jir, mid walba qorri dabadii ayey la dhaceen, aniga qorri dabadii ayey la dhaceen, Cabdilaahi Abokor way toogteen basle illahay ayaan tiisa ka dhigin, Sunta dadka indha kaga ilmeysiisa ayey daaqadaha nooga soo rideen,.”Ayey tidhi

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay. “Ciidankii na soo wareeray waxay gurteen Mobiladii, Dahabkaygii oo Kolodhad ku jiray, caalamka waxaan u sheegayaa in Ciidankii Argagixisada logu tallo galay shicibkii waxa lagu yeelayo oo dadkii la laynayo, dawlada Siilaanyana waxaan u sheegayaa in layskaga dambeyn oo midina aanu hadh fadhiyeen midna aan la tooganayn, anagu waanu aarsan doona.”Ayey tidhi

05.png

06.png

011.png

021.png

033.png

041.png

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.