Baabuur Miineysan oo goor-dhow ku qarxay agagaarka Hotel City ee Mogdisho.
Posted by abdi on May 31 2014 12:55:39

Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay goor-dhow agagaarka hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho. 


Extended News

Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay goor-dhow agagaarka hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa Hargeysa Online u xaqiijiyay in gaariga uu ku qarxay meel 25 tallaabo o u jirta hoteelka, iyadoo ay jiraan dhowr qof oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, inta la hubana waa laba qof oo shacab ah.

“Inta aan arkkay hal qof ayaa ku dhintay, dhowr qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka gaaray qaraxa, waxaana qaraxaas uu ahaa mid xooggan,” ayuu yiri goobjooge ku sugan goobta u xaqiijiyay Hargeysa Online

Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu hal askari ku dhintay, kaddib markii uu dhaawac culus soo gaaray ayna jiraan laba qof oo kale oo shacab ah oo ay dhaawacyo culus kasoo gaareen.

"Qaraxan wuxuu ahaa mid la doonayay in dhibaato lagu geysto, balse waan fashilinnay oo waan ka hortaganay, khasaare badanna ma geysan," ayuu yiri afhayeenka booliiska Col. Qaasim oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Baabuurkan ayaa la sheegay in la dhigay goobta oo looga tagay, mana jirto cid sheegatay in ay ka dambeyso weerarkan oo qayb ka noqonaya kuwa dhawaanahan xarunta Soomaaliya ka dhacayay.

Markii uu qaraxan dhacayay ayaa waxaa ku jiray hoteelka City Palace xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo uu halkaas shir ugu soo dhammaaday, mana jiraan wax khasaare ah oo  gaaray.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku dhow xarunta Nabad-sugidda Qaranka, iyadoo qaraxan uu kusoo beegmayo xilli ay dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay adkeynayso ammaanka magaalada Muqdisho.


HargeysaOnline.Net