Madfac khasaare sababay oo xalay ku dhacay Xaafada Juungal ee Mogdisho.
Posted by abdi on May 31 2014 13:00:14

Cunug yar ayaa ku dhintay wiil yar iyo hooyadiisna way ku dhaawacmeen madfac xalay ku dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.


Extended News

Cunug yar ayaa ku dhintay wiil yar iyo hooyadiisna way ku dhaawacmeen madfac xalay ku dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, kaasoo aan la ogeyn halka uu ka yimid. Madfacan oo ay dadka deegaanku ku sheegeen inuu ahaa mid habow ah ayaa ku dhacay guriga qoyska ay dhimashada iyo dhaawaca soo gaartay, iyadoo aysan weli ka hadlin hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya. “Xalay fiidkii ayuu madfac habow ah kusoo dhacay xaafadda Juungal, wuxuuna ku habsaday guri ay ku noolaayeen qoys, saddex qof oo ahaa wiil iyo gabar yar-yar iyo hooyadood ayaa ku dhaawacmay, waxaana goor dambe dhimatay gabadhii,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadashay. Arrintan ayaa waxay imanaaysaa iyadoo isla xalay uu qarax ka dhacay agagaarka Hotel City Palace oo ay xilligaas ku shirayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, inkastoo khasaaraha ka dhashay qaraxaas uu aad u yaraa. Qaraxan iyo madfaca ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli hay’adaha amniga ay ku dhawaaqeen inay wax ka qabanaayaan amniga Muqdisho 24-ka saac ee soo socda, iyadoo Al-shabaab ay dhankeeda ku gooddisay inay sii wadayso qaraxyada ay ka fuliso Muqdisho. Al-shabaab ayaa horay duqeymo uga geysatay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah, waxaana Al-shabaab ay inta badan sheegaan inay la beegsanayaan qaraxyada xarumtaha dowladda Soomaaliya.


HargeysaOnline.Net