Maxkamadda Ciidanka oo Dil ku Xukuntay Wiilal Dilay Gabar.
Posted by ifraax on May 31 2014 23:52:36

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil ku xukuntay laba wiil oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil bishii Abriil ee sannadkan.


Extended News

 

 

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil ku xukuntay laba wiil oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil bishii Abriil ee sannadkan degmada Yaaqshiid dil toogasho, iyadoo xabsi sannado ah lagu riday haweeney la sheegay inay dhallinyaradan u fududeysay dilka. Labadan wiil ayaa waxaa soo qabtay ciidamada nabadsugidda Qaranka, iyadoo lagu eedeeyay inay dileen gabadha ardaydda ahayd oo lagu magacaabi jiray, Nafasio Cismaan Salaad, kaddib markii gurigooda lagala soo baxay. Shaafici C/casiis Xirsi iyo Xasan Maxamuud Cabdi (Salmaan) ayaa horay u qirtay inay ka dambeeyeen dilka gabadhaas, waxaana marqaatiyeyaal la horkeenay maxkamadda maanta ay qireen inay labadan dhalliyarada ah si wadajir ah u dileen Nafiso. Dhallinyaradan ayaa waxay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna ka dambeeyeen dilka, iyagoo xusay inay labadooduba dileen ayna u dileen inay u shaqeynaysay hay’ado shisheeye ah. Guddoomiyaha darajada koowaad ee maxkamada ciidamada, Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday labadan ruux ee ku eedeysnaa dilka gabadhaas, kuwaasoo horay u codsaday in dowladdu ay cafis u fidiso, maadaama ay khaladka galeen. Sidoo kale, Col. Liibaan Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukun 10-sano oo xabsi ah oo lagu riday Deeqo Diraac oo lagu eedeeyay inay ka tirsan tahay Al-shabaab, ayna caawin jirtay dhallinyarada dilalka geysta. Ehellada Nadiifo Cismaan ayaa horay u dalbaday in xukun dil ah lagu rido kuwii dilay gabadhooda, iyadoo xukunkan uu ahaa mid la wada-sugayay; iyadoo aan la sheegin xilliga lagu fulinayo xukunka labada wiil ee toogashada lagu xukumay.