GOROF-LEGED Qore: Yassin Maxamed Ismaciil.
Posted by abdi on June 03 2014 07:39:25

Gabaygan waxa uu la magac baxay Gorof-leged. waxaanu ku hal qabsanayaa Abwaan Weedhsame. waa gabay wacyi gelin ah oo ka hadlaaya wacyiga nololeed ee maanta ka jira dalka Somaliland.


Extended News

Gabaygan waxa uu la magac baxay Gorof-leged. waxaanu ku hal qabsanayaa Abwaan Weedhsame. waa gabay wacyi gelin ah oo ka hadlaaya wacyiga nololeed ee maanta ka jira dalka Somaliland. Ma aha mid ka hadlaaya xaalada siyaasiga ah oo kaliya laakiin waa mid koobaaya indho-indhayn guud oo waaqiciga nololeed ee bulshada uu la hadlayaa ku sugantayn isla markaana kama xishoonayo inuu wax ka taataabto dhinaca Siyaasada. Kelmada Gorof-leged waa xubin ku taal bawdada geela waana halka hashu marka la lisayo ku dhufato hadhuubka ee caanuhuna sidaas ku daataan hadaan laga ilaalin. Waa tusaale ku fiican in loo cuskado dawlad looga baqaayo inay guulii shacbiga iyadu khasaariso.
Ga’da maanso geeraar beryahan waan ka gaabsadayeWaa tii aan Gunaanaday tixaha Gogol dhigoodiiyeHadba aniga oo Gooyaybaa la GujinayaayeIsagoon afkayguna i gabin gabayna ii baaqanAyuun bay Gab-dhihi leeyihiin Gabayga Sii DaayeAna Duulka Kama Gaagaxoo Wow godlanayaayeAan gorfeeyo Caawana Tix kale Geliyo Diiwaanka.
Googooski Suugaanta iyo Gabaygi CeeboweGo'doon buu abwaankeenu yahay dhaqana kaa guuryeeEray Gara adoo sheegay bay Qaar Gediyayaane,Gef la’aan adoo tiriyaybay kaa guracayaaneGaraadkaa ka hadal Dawladaa shooki kugu gayneMa Gabyeen hadaan Weedhsamoow gelin shinkiisiiye.Sidii roob Gufaaciyo dabayl galowgu dhiiloodayOo gurada weedhkii gilgilay yacayga soo gooyay
Aan gorfeeyo maantana tix kale geliyo diiwaanka.
Galdaloolo kuu muuqatoo gurada kuu taalaOo in aad gufaysiyo ku wacan gacan in loo gaystoGurmadkeeda lama baajiyee Garo abaartaydaOo sii giraangiri murtidu way gun dheer tahaye Afartaa Gedii aan bartiyo Gabay dhextaalkii dheArar gibin ah Gogolxaadh murti ah Gole Ka Sheegeed dheGooli baadhka suugaanta wacan Garangarteedii dheWaa Guubaabadeedee u godol gobo’da suugaanta "
Hadduu Geelu Geed-Waaqis cuno ama Gamboor daaqoGaloolkiyo Sarmaantiyo haduu Gaydhahaba diidoGeed saarka laaca leh haduu goosan kari waayoMadheedhkiyo haduu Geedsankii qoorta kala Giigo.
Garanwaa haduu qaayibiyo Gocondho hoos taalaAma Gumarta iyo Jiica cuno tiin Godxamo yeeshayGafuuradu haday calal noqdaan Gowsihiyo feenkumalaa Geeli baan Geel ahayn kii aan Garanaayay,Ama geedsan kuu daaqi jiray waa la dabar GooyayGudmaa loola tegay kaymuhuu Gooni ku ahaaGomoshaagi iyo waa la shiday Gob iyo caynkeedeGirgiray dul taal kaymuhuu guran ogaa waayo,
Markii Inamadii Geela Jiray Dadarta Loo GeeyayEe Gaafaniyo Faraska iyo Jebisku soo gaadhayGaraabaysigii Bay Nirgihii Gebi MarqaamaynGaran waa Hashiisii Bureeq uu Godli lahaaDuboo Goray-ba Goortii La yidhi Qaadiruu Gamay. malahay Gayigibaan nin lihi Galabta xaalayninGocashada ma yeedhaankuyidhi lama GarwaaqsiisnaGaraabiidadadiisaa Xujiyo Godob Inoo taal ahoo Aakhiraa Goob Xun Meel Layna Gole joogin.
Afartaa Godkeedii Dhigayoo waan GudbinayaayeGayigiyo Dhirtiisiyo dadkiyo Guunyadiyo DaaqaGaajada Ku Taal Xoolihiyo Xaalufkiyo GoonkaGeeskeenu Siduu Maanta yahay ma idin Guud Joojay.
Gondo Degaye Maansada Hadana Gabay Kelaan Sheegay
Gobanimadii waa lagu gefoo waa la gaasirayeGobaad iyo ninkii dhiqi yiqiin kala Go’ weeyaaneGurigeed ba’ tii lagu Goblamay laysu Gacan dhaafyeGormogo’an cidla ah Goon buslay Gii ka leedahayeGo’doonbay ku tahay Goob xuniyo Gegi bacaad wayneCandhadeeda Godolkii ku yiil wuu ka GaagaxayeGujo dhaadhigaa waxa ku Riday Gucuradaadiiye.
Guuraha habeenimo raggii Gaajadiyo oonkaGelin iyo Darxumo kuu galee  kugu GargaaraayayGeedkaad istaagtoba  Ragii Gumuca kuu haystayGuclo orodka Gaadmada mirta ah Guuro bahalayntaGarnaylka iyo miinaduu dhex Galay Goysay lugahooda Ee Qaar daraadaa Galbaday Aakhiro u GuurayRagii Gobo’da dhiiga ah u huray Gurista Raadkaaga,
Een aan Gasiin kaa dhadhamin  Godolna  kaa dhiijinWelibana Gef iyo Quudhsi ba’an Gibilka loo saaray Ee Gabood falada aanay Geyin weliba loo Gaystay Garowshiinyo li’i quus la diray Geeska lagu jiiday,
Iyo qaar markaad Goolmanayn Galabtii kaa dhoofayGolcastiyo qaniinkiyo intuu Gaajo Kugu reebayKu Gaasiray hadana Guul rag kale Gaawaha u haysta.
Gofanaha kuwaa kugu noqdee Ganacu waynaadayMidba wuxuu galiinsaday adaan gudin abaalkoodeAllay lehe Shacbigi wuu Goblamay Tiraba Dhawr Goor,
Hadiise Gorrofkii Haaneed-Miskeed Gedihii Loo DiidayMar hadduu Gurboodkiyo ku qaday kii Gardaadsaday-baOon loo Gudboonaan karayn Galacda xoorkeedaOo Gudoonka aan loo Sinayn Guurti iyo shaybeAma beelo Gaariyo Qabiil lagu GunayaayoGobanimada Magaceed bayeey Waa Galfoof madhanGabno weeye aan Deeqi Karin guud ahaan wadar.
Garsoorkiyo cadligu waa dukaan xeerka gadayaayeWaa goodhi ruux leeyahiyo ganacsi shaydaaneWaa goob Dulmigu Gaaxdayoo lagu GabraartaaGo’aanada maxkamaduhu Ridaan Guri cas weeyaan Ganacsigu xorma ahoo dadbaa gaar u maamulaGeyigeena soor laba Ganacsadaa keena gebigeebaIyagaa gasiin waxad cuntaba gooya sixirkoodeGadbad oo jimlada kii dejaa Gada TafaariiqdaGambo qudhana ruux kale ma helo Gini macaashaayeIyagaana Gaadiidka lehoo guraya saabaankaGarab rarad xamaalina ma helo gelina yoomkiisa
Isgaadhsiintii waa taa gayaxan la isna gelin waayeGaran waaye xeer haga  garsoor talo u jaan goy
Guryii Qaranka goobii shacbiga iyo dantii guudnaGelin horaa la kala iibsadoo laysku gacan qaadayeGaroomadii isboortigu galbade iyo Gidaarkiiba.
Godka Jidadka goofkiyo dayaca dhagaxa GawdiidaGaadiidkii wuu socon la yahay Gebi ahaantiiyeCashuuraa la gurayana wadada kuma Gufaynaaye
Golayaashii Qarankaa burburay Gebi ahaantoodeGacanta iyo jeebkaa xukuma  badi go’aankoodeHadba giniga kii haystabaa geliya tiisuuneShacbiguna waxay gocanayeen waa la gees marayeGaldalooladoodaa ka badan waxay gufeeyaan
Afartaa Bal aan Soo Gunto'e Ga' iyo wow reebanGooli-baadhka Suugaanta Wacan Gogol dhigeedii dheGaraafkeedu Waa Suganyahee Gabay Kelaan Sheegay.
Sidii Goodir Jiilaal Sinbidhay Ganay SaliixeeyayGudcur dama Habeenkoo badh go'a Gama'ii loo diidayoo Gafuurka Sare'u taagayoo wada GaliilyoodayIntuu Goor xun Faashaday Ogoo Miriq Ku GaylaatayGuhaan iima sheegee bal aan Gees Kalena Eego.
Wada-hadalkan Xamar lala galee gees u socon waayayEe la isu gaalgaalayee gaambi soconaayayEen Cidi Guntiisiyo runtana aad u garanayninEe gogosha loo dhigay cidlada iyo GabaahiirtaEe aan garsoor dhexe lahayn Guurti kala saartaEen dawladii kala Gurayn una gar qaadayninEe kii dhibtaba Gaystayee Godobta loo haystayIsagii Gudoonshaha ka yahay talada goynaayayGarnaqsigan muducigii lahaa waayay garowshiiyoWaftiyadan is garab yaacayee tuban garoonkeenaSii gooshka soo gooshka badan gego is taagtaagaWaxaan gumaro sii ridan lahayn hadal ku gowsiinta 
Ee kaarbet baa lay gogliyo Guri Cad Baan SeexdayIyo Gaadhibaan fuulay madow geliya raadyowgaGalad Qaran intaa Moodayee Tay isugu giijayIyagaaba Gaajooyin Qaba Guuldariyo CeebeSidii Shacabku ugu Guuxi Kari Baa i Geli wayday.
Gacmo hoorsi foolgabax leh yaa ina gayaysiiyayGooni isutaageeni iyo guushii qarankeenaGorgortan iyo dood yaa badee Goob xun ina taagayGowliilka ceebta leh maxaa looga guban waayay?
Walow Gabay uu iga dhan yahay Gulucda doodiisuoo Hadalku Gabagabadii yahay Gawna Iga joogoAan Ku Daro Gar Waa loo Islaam Ina San Goorowe
RRU Gestaabiyo Bilays kolanyo Gaadiid ah Koofiyad Cas Giirgiiran oo Qori Ku GaashaamanGuul Wade Basaas iyo Sir Doon Guda Habeen oo DhanGuutooyin Qalabaysan oo gaar u amar Qaataoo Gaalo Soo Tababartoo Gooni Wax u siisoUjeedada anoon Gacaliyoow aad u garanayninArgagixiso Gees kama ridaan Guluf ColaadeedeGurbood iyo Islaan Gama'san oo Jiifta Gurigeedaoo aan Cid wax u gaysanbay Gumuc ku tuujaaneGuri Sida Saq-dhexe Loogu Dhaco Gorayo KhaakhlayntaIyo Geediyow waxay Yaqaan Gelelefayn BaaseGarnaylkoodu wuxu Dili yaqaan Hooyo aan GeyineGalab qudhana Meel la isku Galay Goob la diriraayooo Goroda Cadow La isku Daray Dhiigu Go'bo leeyoGurujoogyadaa Looma dirin Ganaca waawayneGaran Celin Rasaastiyo waxani Koofiyado GaadhanHorta Loogu Gelinaayo baan aad u Garan waayay.
Waana Guul darada aan arko e Gabay kelaan Sheegay.
Saxaafadi waxay guranayaan gob iyo dhaameelQadaadiic yar oo loo guntaa lagu gumaystaaGal daloolo kii qora saq dhexe waa la gelayaaQaarna kilinkilayo godad masbay qoorta geliyeenWaa lagu gabraartaa xaqana uma gargaaraanDulmay Gibisha saaraan runtay kala garoocdaaneMusuq maasuqay Garab galaan ina GabooboowGondo raaca beenta ahna waa lagu gumoobaaSaxafina fartaasaan ku goday, oo xil gudan waa
Gabiilay Heshiiskii Gar Adag Guul Kamay HelineGaadiid qaadka waa tay baxsheen Geedigii Hore eGuunyadooda waa kuwii huree Geela Soo TubayaMarkii Guushi La haleelayee Awrtii Lagu GuurayGacan-saarku Been inuu Ahaa Goorxun la OgaayeCid-luu Muuse Goobyaalayaa Cadhona waa Gow eMarkii Xaajadii la isla Galay la isku garan waayaySaleebaan Inuu Soo Gurmado waa Gedaan WadayeDurba Golahii Guurtida warkii Looga Gibix SiiyeGudi Jaaba-jaaba Raguu Guray HabeenkaabaLagu Sheeg Garsoor Dhexa Hadana Goodiyaa Jira eInaan Gacanta La is Qaadi Karin Go'aha ya u sheega.

Yassin M. Ismail