Guddida cadaaladda somaliland oo shaqada ka eriday 23 garsoore.
Posted by ifraax on June 04 2014 17:14:45

Fadhi ay shalay yeesheen guddida cadaaladda somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay ku eryaan 23 garsoore oo ka hawl geli jiray Maxkamadaha dalka.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(Hargeysa Online)Fadhi ay shalay yeesheen guddida cadaaladda somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay ku eryaan 23 garsoore oo ka hawl geli jiray Maxkamadaha dalka.

Sidoo kale, waxa lagu soo waramayaa in isku shaandhayn ku sameeyeen qaar ka mid ah garsoorayaasha iyo guddoomiyayaasha maxkamadaha, kadib markii guddida cadaaladdu ku soo samaysay qiimayn. Isbedelka garsoorayaasha maxkamadaha ayaa soo noq noqotay, hase yeeshee waxa isa soo taraysa kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan cadaaladooda.

Guddida cadaaladda ayaa lagu dhaliilaa in aanay waxba ka qaban in ay ku shaqeeyssn xeer hoosaadka anshaxa iyo anshax marinta, si loo yareeyo cabashada ka taagan garsoorka.

Kiisaskaas ay xukuumaddu diiday fulintooda illaa hada xal kamay gaadhin xukuumadda iyo garsoorkuba

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.