Marwada Madaxweynaha oo ka Qayb-gashay Xuska Maalinta Deeganka Aaddunka.
Posted by xaaji on June 05 2014 17:09:18

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris ayaa Maanta ka Qaybgashay Xuska Maalinta Deeganka Aaduunka oo ku beegan 5 Bisha 6/2014.


Extended News

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris ayaa Maanta ka Qaybgashay Xuska Maalinta Deeganka Aaduunka oo ku beegan 5 Bisha 6/2014, Munaasibadan oo lagu qabtay Xaafada Barakacayaasha ee lagu magacaabo Digaale oo Kutaalada Dulleedka Konfureed ee Magaalada Hargeysa.

waris2.jpg

8wariswd.jpg

10waris.jpg

 

 

Waxa Munaasibadan soo qabanqaabiyey wasaarada Deeganka iyo horumarinta reer miyiga waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada Deeganka iyo Horumarinta Marwo Shukri Xaaji ismaciil Bandare, Wasiirka Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiir-kuxigeenka Caafimadka Nimco Xuseen Qawdhan, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteco ayaa ahayd mid si qurux baddan loo soo Diyaariyey, waxana lagu qaybiyey illaa in ka badan 1,000 Kun geed oo Dhir ah.

10Wasiirada Deeganka iyo Horumarinta Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Bandare oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa ka Faahfaahin ka bixisay Qiimaha ay leedahay maalinta Deeganka Adduun, waxay sheegtay in sanadkan ay ugu tallo gallee in dhir ak baddan Boqol kun oo geed ay qaybiyaan, waxayna Bulshada reer Somaliland u soo jeedisay in ay ilaaliyaan deegank oo aanay dhirta jarin, iyada oo dadweynahana ugu baaqday in dhirta la siiyey ay beertan.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deeganka iyo horumarinta reermiyiga Maxmaed Faarax ayaa ka sheekeyey marxaladiihii kala duwan ee ay soo martay wasaaradu iyo qorshayaasha ay ku illaalinaya deeganka.

Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna munaasibadasi ka ayaa sheegtay in deeganku yahay nolosha koowad ee noolaha in la’ilaaliyan ay tahay.

9810 9 8 7 5 3 2Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris oo Xuskaasi soo gabogabeysay ayaa ka hadashay qiimaha uu deegabnku leeyahay iyo sidda ugu fiican ee loo ilaalin karo, waxayna bulshada reer Soamliland ugu baaqday in ay illaaliyan deeganka oo ay ka dayaan jarista dhirta iyo xaalufinta, waxayan sheegtay in dhibtada ugu weyni tahay in deeganka nabaad guur ku dhawo.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.