Golaha wasiirada oo soo dhaweeyay xoojinta xiriirka Somalia iyo Maraykanka.
Posted by xaaji on June 05 2014 17:18:59

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha wasiirrada oo looga dooday xaaladda uu dalku marayo.


Extended News

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha wasiirrada oo looga dooday xaaladda uu dalku marayo. Golaha wasiirrada ayaa soo dhaweeyay qorshaha ay dowladda Maraykanku safiir ugu soo magcaabayso Soomaaliya, tallaabadaasi oo kor u qaadaysa xiriirka dublamaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington. “Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanku waa mid muddo soo jiray oo lahaa maalmo wanaagsan, waxay labada Qaran ay maanta diyaar u yihiin inay xoojiyaan xiriirkaasi oo faa’iido wadajir ah u leh. Tallaabadani waxay muujinaysaa inay Soomaaliya dib u soo ceshanayso kaalinteedii caalamka,” ayuu yiri C/weli Sheekh. Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal waa mid muhiimad u leh labada shacab si la is kaga kaashado dhinacyada muhiimada wadajirka ah leh. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay qaadaysaa tallaabo la mid ah tan Maraykanka oo lagu adkaynayo cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee labada ummadood.” “Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xiriir dublamaasiyadeed oo wanaagsan la yeelato beesha caalamka si ay gacan uga geysato waajibka caalamiga ah ee saaran iyo u adeegista danaha Soomaaliya iyo masaalixda la wadaago ee dalalka iyo adduun-weynahaba,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa dood ka yeeshay hindise-sharciyadeedka dib-u-habaynta hanti-dhowrka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaarrada maaliyadda ee xukuuamadda Somalia. Hanti-dhowrka oo dib–u-habeyn lagu samaynayo ayaa asaas u ah qorshaha xukuumadda Somalia ee la dagaalanka musumaasuqa iyo ilaalinta hantida Qaranka. “Hanti-dhowrku wuxuu muhiimad weyn u leeyahay ilaalinta hantida Qaranka, isagoo leh awoodo uu ku daba-galo xafiisyada dowladda. Xilliyadii lasoo dhaafay waxaan xoojinay shaqada iyo waxqabadka hanti-dhowrka dalka. Dib-u-habaynta hanti-dhowrku waxay leedahay muhiimad gooni ah si loo xaqiijiyo hadafyada la hiigsanayo,” ayuu yiri hanti-dhowraha guud, Dr. Nuur Faarax.

 

HargeysaOnline.Net