Golaha Guurtidda oo manta ku dhawaaqaya Go’aankii ay ka gaadheen khilaafka Kulmiye.
Posted by ifraax on June 07 2014 22:48:13

Wararka laga helayo guddida Golaha Guurtidda eek u dhex jirtay xalinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa lagu waramayaa in ay manta si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan Natiijadda. 


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)wararka laga helayo guddida Golaha Guurtidda eek u dhex jirtay xalinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa lagu waramayaa in ay manta si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan Natiijadda ay ka soo saareen Dooda u dhaxaysa labada Garab ee Kulmiye.

 

Warku ma sheegin goobta ay kaga dhawaaqi doonaan go’aamada ay soo saareen, hase yeeshee waxa loo badinayaa in ay ku soo af-jari doonaan Madal kooban oo ay labada dhinac ba goob joog ka yihiin, maadaama ay kulamdii hore ahaayeen kuwo gooni gooni ah.

Wax tibaaxa lagama helin shan iyo tobanka xubnood ee Guurtidda go’aamadooda, hase yeeshee waxa la filayaa in ay noqon doonaan kuwo dajiya Loolanka iyo xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan xisbiga iyo xukuumadda, khilaafkaas oo markii uu dalka Gil-gilay Guurtiddu soo faragalisay


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.