Madaxweynaha cusub ee Masar oo Maanta si Rasmi ah loogu dhaariyay Xilka.
Posted by abdi on June 08 2014 22:29:41

Madaxweynaha cusub ee dalka Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Masar kaddib xaflad wayn oo lagu qabtay maxkamadda dastuurka ee ku taalla magaalada Qaahira.


Extended News

Madaxweynaha cusub ee dalka Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Masar kaddib xaflad wayn oo lagu qabtay maxkamadda dastuurka ee ku taalla magaalada Qaahira.



Wasiirro, hoggaamiye diimeedyo iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa dhaarinta ka qaybgalay, iyadoo xafladdu ay ku billaabatay heesta calanka iyo Qur’aanka Kariimka. Madaxweynaha ayaa loo ridi doonaa labaatan iyo kow madfac oo salaan ah.

Al-Siisi oo ahaa madaxa ciidamada ayaa ku guulaystay doorashada bishii hore isagoo helay 97% codadkii la dhiibtay. Mucaaradka ayaa doorashada kasoo horjeestay, iyagoo ku tilmaamay in dadka codkooda ay dhiibteen dad 50% ka yar marka la eego shacabka dalka Masar.

“Waxaan ku dhaaranayaa Allaha weyn, waxaana dalka Masar ku hoggaaminayaa si daacad ah oo waafaqsan dastuurka dalka u dagsan,” ayuu Al-Siisi yiri markii la dhaarinayay, isagoo xusay in Masaarida oo dhan ay isugu mid yihiin.

Ammaanka maxkamadda ay dhaarintu ka dhacaysay ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayay halkaas ciidammo aad u fara badan. Waxaana Al-Siisi uu xukunka ka riday sannadkii hore madaxweynihii hore, Maxamed Mursi.

Xisbiga Akhwaan Muslimiin ee Masar ayaa tan iyo markaas laga mamnuucay in ay dibadbaxyo ka dhigaan dalkaas, iyadoo hoggaamiyahoodii iyo madaxweynihii ay taageersanayeen ay illaa haatan u xiran yihiin maamulka milateriga Masar.

Hogaamiyayaasha Afrika iyo kuwa caalamka ayaa ka qayb-geli doona xaflad lagu qaban doono guriga madaxweynaha Masar ee Al-lttihadiyah, halkaasoo si rasmi ah loogu caleemo-saari doono madaxweynaha cusub ee Masar.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka hadlay doorashada Masar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in goobjoogayaasha caalamiga ah loo ogolaaday inay ka qayb-galaan doorashada. "Waxaan kaloo la wadaagnaa dunida walaac ku saabsan sida doorashada loo maareeyay, taasoo ku saabsan habkii codadka loo qaaday.

C/fataax Al-Siisi ayaa kaga guuleystay doorashooyinkii bishii hore ka dhacay dalka Masar murashaxii la tartamayay, Xamdiin Sabaaxi, iyadoo mas’uulkan uu diiday natiijada doorashada.

Hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee dalka Masar ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaal kale oo Carab, Afrikaan ah iyo kuwo ka socda calaamka.

 

HargeysaOnline.Net