Maxkamadda Ciidamada somaliya oo Xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday eedeysanayaal.
Posted by abdi on June 08 2014 22:49:56

Maxakamadda darajada koowaad ee ciidamada millateriga ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku ridday lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.


Extended News

 

Maxakamadda darajada koowaad ee ciidamada millateriga ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku ridday lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kaddib markii maxkamadda la horgeeyay maanta oo Axad ah. Dhageysiga dacwaddan ayaa lagu sheegay in dadkan la xukumay ay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayna ku dileen degmada Hodan ee gobolka Banaadir askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qaateen qorigii uu watay, waxaana maxkamadda lagu soo bandhigay bastooladdii ay dilka ku geysteen. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka isugu jira dilka iyo xabsiga ah ee lagu ridday shan eedeysane, kuwaasoo uu ku sheegay in lagu helay dambiga lagu eedeeyay. Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan xukun dil ah ku ridday Shaafici iyo Xasan Salman oo dilay gabar ardayad ahayd oo la oran jiray Nafiso Cismaan Salaad, halka haweeney lagu magacaabo Deeqo Diraac lagu xakumay 10-sano oo xabsi ciidan ah.

 

HargeysaOnline.Net