Askari Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Oo Uu Toogasho Ku Dilay Askari Kale.
Posted by ifraax on June 11 2014 11:18:01

kadib markii uu Xabad ku dhuftay Askari ay ka wada tirsan yihiin Ciidanka Asluubta, waxaana la sheegay inuu si toosa ugu dhuftay.


Extended News

Alle ha u naxariistee Marxuum lagu Magacaabo Looyar oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta ayaa u geeriyooday, kadib markii uu Xabad ku dhuftay Askari ay ka wada tirsan yihiin Ciidanka Asluubta, waxaana la sheegay inuu si toosa ugu dhuftay.
Ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Asluubta oo dhacdadan ku saabsan.

Mar aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino dhacdadan foosha xun Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo Taliye Ku-xigeenkiisa Xasan Cali noomay suurta-gelin inay naga qabtaan Telefoonnadooda Gacanta (Mobile).

Si kastaba ha ahaate, Ilaa iyo imika waxa aan la saadaalin Karin ama aan la ogeyn sababta keentay in Marxuumka xabada ku dhacday cidna loo sheegin oo aan la shaacin. Mana Jirto badhitaan rasmiya oo ilaa iyo imika lagu sameeyey sababta keentay dhimashadaasi Marxuumka, mana cadda in la qabtay ciddii dilkaasi geysatey. Maaha Markii ugu horeysay ee arrin naxdin iyo anfariirka ahi ay la soo daristo Ciidanka Asluubta Somaliland.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.