Xubno ku jira dowlada Kana Soo Jeedda Beesha Muj Muuse Biixi Oo La Kulmay Madax Dhaqameedka SUBEER Awal.
Posted by ifraax on June 11 2014 11:36:59

Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay ayaa la weriyey in 24-kii saacadood ee u dembeeey.


Extended News

Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay ayaa la weriyey in 24-kii saacadood ee u dembeeey ay olole xooggan ku dhaq-dhaqaajisay Salaadiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeedda beesha uu kasoo jeedo guddoomiyaha KULMIYE, iyadoo hor-dhigtay qorshe ay ku doonayso xukuumad ahaan in ay taageeraan go’aankii dhawaan lagu so oaf-jaray khilaafkii KULMIYE.


In ka badan Siddeed [8] mas’uul oo ka soojeeda beelaha Habar Awal [Sacad Muuse iyo Ciise Muuse] isla markaana xilal kala duwan ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa magaaladda Hargeysa kulan kula yeeshay Madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaannada Gabiley, Allaybaday, Waqooyiga Hargeysa iyo Berbera waxa ay kaga dalbadeen inay taageero baaxad huwan u muujiyaan go’aankii guurtida, kadib markii ay xukuumaddu isku qancisay inuu u sed-burinayo garabkooda uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.
ARAB1
Sida ay HUBAAL u xaqiijiyeen xubno lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhawaa kulankan Mas’uuliyiinta xukuumaddu u xil-saartay ka midho-dhalinta qorshooda ku wajahan taageero uu madaxweynuhu ka helo beesha Guddoomiyaha KULMIYE, taas oo laga soo bilaabo khilaafkii xisbiga aanay wax rejo ah ka quuda-raynayn.

Waa Kuwee Mas’uuliyiinta hor-fadhiistay madax-dhaqameedku?
Tiraba Sagaal Masuul oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Maareeyeyaal, Shaqaale dawladda dhexe naas-nuujiso iyo Saraakiil ka tirsan dawladda Hoose ayaa Hor-fadhiistay ilaa 10 Madax-dhaqameed oo kasoo jeeda Gabiley, Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo si faahfaahsan ugu bandhigay mashruuc ay ku doonayaan in ay dadka deegaankooda iyo guud ahaanba ra’yul caamka reer Somaliland ugu caddeeyaan in ay beesha Subeer Awal u khushuucsan tahay go’aankii Guurtida.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Madax dhaqameedka ay xukuumaddu uga fadhido inay berri [Arbacada] Shir-saxaafadeed loo dhan yahay ku qabtaan Magaaladda Hargeysa, kuna sheegaan inay ku niyad-san yihiin In Madaxweynaha loo daayo Musharraxnimada Shanta sanno ee soo socda, mawqifkaas oo meesha ka saari kara werwer Madaxweynuhu ka qabo saamiga uu ugu soo hagaagi doono haddii uu doorashada isa soo taago, isaga oo tebaya codkii uu kal hore ka helay beeshan.

Masuuliyiintan oo ay hoggaaminayaan Saddexda wasiir ee beesha Sacad Muuse ugujira Xukuumadda ayaa Sida HUBAAL Media ku helayso nuxurkii kulankaasi iyo waxyaabihii lagu falanqeeyey, waxa ay Madax dhaqameedkan intooda badani soo dhaweeyeen qaddiyada uu madaxweynuhu uga martida yahay wallow ay jiraan xubno kamid ah salaadiintaasi oo ku dooday in arrintaasi u baahan tahay lafo gur.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay gebogabadii kulankaas iyo waxyaabihii layskula qaatay hase yeeshee warku waxa uu tibaaxayaa in maanta Arbacada loo ballamay in warbaahinta maxalliga ah laysugu yeedho loona caddeeyo rabitaanka Xukuumadda. Geesta kale amuurtan ayaa qayb ka ah mashaariic weji-ku-macaash u badan oo maalmihii u dembeeyeyba xukuumaddu ku baadi doonaysay taageeradii beelaha Somaliland ee ay lumisay wixii ka dmebeeyey shirweynihii KULMIYE, waxaana muuqata in mashaariicdani ay gadh-wadeeno ka yihiin shakhsiyaad xukuumada ku jira oo kasoo jeeda beesha Habar Awal, kuwaas oo iyagu dano gaar ah siyaabo gooni ah ugu ilaashanaya xaqiijinta qaddiyadan.

Kulanka maanta ayaa ku soo beegmay xilli ay Haween weynaha Beesha Sacad Muuse Ku cambaareeyeen Go’aankii guurtida, iyaga oo xaflad loo dhan yahay oo ay caawa fiidkii isugu yimaadeen Hotel-ka Crown ee magaalada Hargeysa ku naq-diyeen midhihii ka soo baxay ergadii dhexdhexaadisay khilaafkii labada dhinaca, taas oo ay sheegeen inaanay si caddaaladda ku dhisan uga gar niqin qoddobadii khilaafka u salka ahaa.

Si kastoo ay tahayba xukuumadda Somaliland ayaa weli daba socota Guddoomiyaha KULMIYE ee ra’yul caamku aaminsan yahay in looga hiiliyey, iyadoo weli aan ku qanacsanayn mawqifkii uu guddoomiyuhu sheegay in uu ku aqbalay go’aankii guurtida isagoo danta qaranka eegaya.
ARAB1
Magacyada iyo Xilalka Masuuliyiinta Hor-fadhiistay Madax dhaqameedka
1. Samsam Cabdi Aadan- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare
2. Dr. Muuse Qaasim-Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashida Caalamiga ah
3. Cabdicasiis Maxamed Samaale-Wasiirka Maalliyada
4. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid –Maayarka Caasimadda Hargeysa
5. Ibraahim Siyaad-Maareeyaha Wakaallada Biyaha
6. Khadar Cali Gaar-Maareeyaha Telefishanka Dawladda
7. Cabdillaahi Xasan-Agaasimaha Baanka Dhexe
8. Dr. Axmed Xaashi Oday-Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka
9. Cali-Gobonimo-Ganacsade Xukuumadu ku naas nuujiso mashaariicda qaranka.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.