Khasaaraha ka dhashay dagaal Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada khaatumo ku dhex maray Saax-dheer.
Posted by ifraax on June 13 2014 23:14:48

Dagaal jid-gooyo ah oo ay kooxda Maleeshiyada Khaatumo isku dayday inay ku samayso ciidanka qaranka Somaliland ayaa lagu jabiyey.


Extended News

 

Saax-dheer(Hargeysa Online) dagaal jid-gooyo ah oo ay kooxda Maleeshiyada Khaatumo isku dayday inay ku samayso ciidanka qaranka Somaliland ayaa lagu jabiyey, waxaanu Taliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle sare Dabagale Hargeysa Online u xaqiijiyey inay kaga qabsadeen saddex gaadhi oo laba qoryo saran yihiin, halka ka kale ka ahaa Isku-rogo Zaad-ku u saarnaa.

Taliye Dabagale ayaa Hargeysa Online u xaqiijiyey in dagaalkaas Ciidanka Qaranka Somaliland ay kaga dhinteen laba Askari, halka uu sheegay in maleeshiyadii Jid-gooyada u gashay ay kaga dhinteen toddoba qof, halka uu sheegay inay arkayeen dhaawac badan oo ay la yaaceen.

Taliye Dabagale waxa uu sheegay inay ciidanbka qaranku gaadheen magaaladda sax-dheer oo ay joogeen kooxdii Cali Khaliif iyo kuwaas oo uu sheegay inay dhinaca Itoobiya u talaabeen, isagoo intaas ku daray inay Ciidanku ku guulaysteen hawl-galkoodii u danbeeyey.

Illaa hada ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay dhinaca kale, hase yeeshee waxa soo baxaya warar sheegaya in markii hore Ciidanka qaranka laga qabsaday gaadhigii Tiknikada ahaa ee ugu horeeyey , kaasoo ay ku Dileen maleeshiyada khaatumo labada Askari ee ka dhintay Ciidanka, balse isla markiiba laga soo furtay.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.