Dowlada Britain oo ka digtay weeraro ay Al-shabaab ka geysato dalka Jabuuti.
Posted by xaaji on June 14 2014 00:54:50

Xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wado qorshe ay weerarro argagaxiso kaga geysanayso dalka Jabuuti, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo bishii hore dhammaadkeeda. 


Extended News

Xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wado qorshe ay weerarro argagaxiso kaga geysanayso dalka Jabuuti, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo bishii hore dhammaadkeeda ka dhacay maqaayad ku taalla Jabuuti, qaraxyadaasoo sababay dhismasho iyo dhaawac. Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka go’an tahay inay weerarro la beegsato dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo saddexduba daris la ah Soomaaliya. “Waxaa jira warar lagu kalsoon yahay oo muujinaya in Al-shabaab ay doonayso in ay weerarro argagaxiso ka geysato bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla dalka Jabuuti, kuwaasoo ay ku jiraan goobaha ay ku sugan yihiin dadka reer galbeedka ah,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Britain. Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa horay u sheegay inay adkeynayaan amniga guud ee dalkooda si aysan u dhicin weerarro la mid ah kuwii ka dhacay maqaayadda ay inta badan wax ka cunaan dadka reer galbeedka ah. Balse Al-shabaab ayaa xustay inay kordhinayso weerarrada ka dhanka ah Jabuuti. “Sababaha keenaya in Jabuuti iyo danaha reer galbeedka ee dalkaas ku yaalla ay Al-shabaab beegsato waa kaalinta ay Jabuuti ku leedahay howlgalka AMISOM iyo sidoo kale marti-gelinta saldhigyada dalalka reer galbeedku ay ku leeyihiin Jabuuti,” ayaa lagu yiri warbixinta xafiiska. Warka ay soo saartay dowladda Britain ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay isku diyaarinayaan sidii ay u xoojin lahaayeen howlgallad ay kawadaan Soomaaliya si ay Al-shabaab deegaannada ay ku sugan yihiin uga qabsan lahaayeen. Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadkan ay Britain ay muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Bariga Afrika sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda oo gabi ahaan ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ay ka digtoonaadaan inay tagaan meelaha ay dadweynuhu ku daawanayaan ciyaaraha. “Weerarro argagixiso ayaa horay loola beegsaday goobo lagu daawanayay ciyaaro qayb ka ahaa kuwii koobka adduunka ee 2010-kii, halkaasoo ay ku dhintee dad aad u fara badan, marka waa in laga digtoonaadaa goobahaas oo kale,” ayuu xafiisku ku yiri digniinta uu soo saaray. Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in sababihii ay Jabuuti u beegsatay ay tahay in ay tahay dal ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin dalalka galbeedka, isla markaana laga soo abaabulo weerarrada tooska iyo kuwa duqeynta ah ee reer galbeedku ay ka geystaan Soomaaliya.


Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.