Maleeshiyada Khaatumo oo jid-gooyo ku dishay Taliyihii Guutada Dharkayn geenyo.
Posted by abdi on June 15 2014 21:06:57

Maleeshiyada Khaatumo oo dagaal dhuumaalaysi ah kula jirta Ciidanka Qaranka Somaliland, kadib markii laga adkaaday ayaa saaka weerar Jid-gooyo ah ku dishay Taliye Guutihii Ciidanka Somaliland.


Extended News

Maleeshiyada Khaatumo oo dagaal dhuumaalaysi ah kula jirta Ciidanka Qaranka Somaliland, kadib markii laga adkaaday ayaa saaka weerar Jid-gooyo ah ku dishay Taliye Guutihii Ciidanka Somaliland ee Dharkayn-geenyo iyo afar Askari oo la socday.

 

Wararka aanu ka helayno saraakiisha Ciidanka Somaliland ayaa sheegaya in kooxda dishay Sarkaalkan oo la odhan jiray Cali Xoor iyo Askarta la socotayba ay ka heleen meel jid ah oo ay socdeen, halkaas oo ay ku khaarajiyeen.

Maleeshiyada dishay Sarkaalkan iyo Askarta la socotay ayaa lagu soo waramayaa inay gaadhigii ay wateen sarkaalka Reer Somaliland kaxaysteen isla markaana Duurka la galeen.

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay masuuliyiinta Somaliland iyo dagaal kale oo ka dhacay deegaanada ay Ciidanka Somaliland qabsadeen.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.