Muuse biixi oo ka raaligaliyey aflagaado uu kula kacay dahabshiil.
Posted by abdi on June 15 2014 21:23:55

Guddoomiayaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa raali-glin ka siiyey shirkadda Dahabshiil Af-lagaado uu kula dul kufay Odayga ugu weyn kooxdiisa u Ololaysa.


Extended News

Guddoomiayaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa raali-glin ka siiyey shirkadda Dahabshiil Af-lagaado uu kula dul kufay Odayga ugu weyn kooxdiisa u Ololaysa.

Muuse Biixi ayaa shirkadda Dahabshiil ku tilmaamay mid aan agayin hadalka ka soo yeedhay Xasan Cali Weyd, kaasoo ka hadlay madal kooxda Muuse Biixi taageertaa ku dhaliilaysay Xukuumadda.

Oday Xasan Cali Wey doo Ololaha Siyaasadeed ee Muuse Biixi uga soo hayaamay Carriga Ingiriiska ayaa si lama filaan ah uga xumeeyey Guddoomiye Muuse Ololihiisi ka dhanka ahaa Xukuumadda kadib markii uu shirkadda Dahabshiil iyo Xukuumadda kala garan waayey.

War-saxaafadeedka uu Muuse Biixi raaligelinta ku bixiyey waxa uu ku yidhi:-

Ujeeddo; RAALIGALIN

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkada Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba jooga xisbiga kulmiye.

Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka,

Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin.

Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.

Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasada.

ALLAH MAHAD LEH

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.