Askari Booliis ah oo Labba Qof ku dhaawacay Magaalada Hargeysa.
Posted by ifraax on June 17 2014 17:14:26

Askari Boliis ah oo ayaa si kama ah u dhaawacay Labba Qof oo midina yahay Shacab midina yahay Askari la socday, Dhacdadan ayaa ka dhacday saaka Badhtamaha Suuqa Magaalada Hargeysa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Askari Boliis ah oo ayaa si kama ah u dhaawacay Labba Qof oo midina yahay Shacab midina yahay Askari la socday, Dhacdadan ayaa ka dhacday saaka Badhtamaha Suuqa Magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaalinta Shiidalka ee Cajab Horteeda.


Askariga Wax toogtay iyo Afar Askari oo kale oo la socday ayaa la sheegay in gaadhi wadada si khaldan u marayey oo la sheegay in uu wadada  xidhay ayaa askartaasi waxay doonayeen in ay  la hadlaaan si ay oo waddada uga saaran,  balse Askari ka mid ah ayaa la sheegay in qorigiisa oo Amaanku Furnaa awadeed ay ka fakatay Rasaas aanu ogeyn in qoriga ay ku jirto,  waxanay dhawacday askari la socday iyo dirawalkii gaadhiga  shicibka watay.

Labbada Qof ayaa Haatan lagu daweynayaa Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, dhanka ciidamada Booliska ayaa baadhaya Sababta ka danberysay

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.