Ictiraaf – Raadinta Wax aan la Garaneyn (Qeybtii 1aad)
Posted by abdi on June 21 2014 12:30:12

Marka la dhiganayo casharada maamulka iyo hogaaminta, gaar ahaan cashar ku saabsan qorsheynta waxa had iyo goor lagu bilaabi jirey ereyga ah “First Things First” oo ah arrinba arrinka uu ka horeeyo dhamee inta aanad ka kale u gelin. 


Extended News

Marka la dhiganayo casharada maamulka iyo hogaaminta, gaar ahaan cashar ku saabsan qorsheynta waxa had iyo goor lagu bilaabi jirey ereyga ah “First Things First” oo ah arrinba arrinka uu ka horeeyo dhamee inta aanad ka kale u gelin. Af Soomaaliga waxa ay u dhigmeysaa “oodo Dhacmeed Sida ay U Kala Sareeyaan Ayaa loo kala hor Guraa”. Weedhaa ah talaababa talaabada ay ka horeyso hor qaad iminka sida looma isticmaalo. Aqoonta maamulka iyo hogaaminta ee casriga ihi waxa ay adeegsadaan weedho taas cakis ku ah oo ah “Last Thing First” oo afsoomali ku noqon karta “oodo Dhacmeed sida ay u kala hooseeyaan ayaa loo abbaaraa”, oo macnehedu yahay arrinka u danbeeya u horeysiiso.
Kawaran haddii oodaha dhacmeed ee laga hadlayo teeda u hooseysaaba aaney aheyn ood ee ay tahay geed yar oo gaaban oo adag oo inad gudin ama miishaar u doonato mooyee aadan meesha ka jiidi karin. Waxa haboon inta aanad xiiqin inad horta hubsato in oduhu yihiin qaar ad wada guri karto iyo in kale. Ileyn wax macno ah sameyn meyso inta ad daasho oo shan oodood jiido haddii ta u hooseysaa ay noqoto wax aadan jiidi karin oonad awoodeeda laheyn. Daal uunbaad korodhsatey ee inad gacmahaaga waxan oo qodax ah uula tagto mey aheyn haddii aanad si fiican u hubin inad wada guri karto oo ad shaqada wada dhameyn karto.
Shaqo kasta oo ad qabaneyso haddii aaney kuu muuqan oonad si fiican u arkeyn natiijada ad dooneyso inad gaadho hawsha haku dhaqaaqin. Aqal marka la dhisayo waxa marka hore la sameeyaa nashqad dhameystiran oo si tafaasiil ah looga soo shaqeeyey. Inta aan dhismaha la bilaabinba waxa la hayaa sawirkii daarta oo dhan oo u eeg daartii oo run ah. Waxa nashqadda ku cad inta kiish ee sibidh ah ee galeysa, albaabada, daaqadaha, marmarka iyo leydhadhka. Marka engineerada iyo farsamo yaqaanado soo dhameystiraan ayaa la sameeyaa miisaaniyaddii iyo dhaqaalihii daarta lagu dhisi lahaa, lana cayimaa halkii laga keeni lahaa lacagtaa. Haddii aan arrimahaas oo dhan meel la dhigin shaqada dhismaha lama bilaabo. Marka dhismaha la bilaabo, qof walba oo dhismaha aqalakaa ka shaqeynayaa wuxu arkayaa oo meesha uuga muuqda sawirkii daarta la dhisayo sida ay u eekaan doonto marka ay dhammaato, qofkastana waxa u cad doorka uu ka qaadanayo dhismaha. 
Bal ka warran haddii la bilaabo dhismihii aqalka iyada oo aan la isla meel dhigin nashqadda guud iyo sida ay u eekaaneyso daartu. Waxey noqoneysaa in qofba sida ay uula eekaato uu shaqada u wado. Taasi waxa ay keeneysaa iney meesha ka soo baxaan wax aanad ku talo gelin amaba aan daartan la dhisayaa weligeedba dhamaan illeyn maad sameysan wax kuu sheega halka ay ka bilaabmeyso iyo halka ay ku dhammaaneyso. Haddii aanad nashqad sameysan, waxa dhici karta in waxan ad dhisaneysaaba aanu aheyn dar caadi ah ee uu yahay seylad ama xafiis ama jeel halka ad adna dooneysey inad dhisato aqal ad ku noolaato.Talada ah hawl aan dhamaadkeedu si fiican kuugu muuqan ha bilaabin waa mabda’ ad u adeegsan karto wax qabad kasta haddii ay tahay kor u qaadis dhaqaale ama hadaf siyaasadeed ama horumarinta bulshada. Marka hawl la qorsheynayo waxa marka horeba loo baahanyahay in la isweydiiyo muxuu yahay natiijada an rabno iney hawshan inooga soo baxdo. Natiijada oo si cad loo qeexaa waxa ay sahleysaa in la isla meel dhigo dariiqii natiijada lagu gaadhi lahaa. Natiijada la rabo in la gaadho oo si cad loo sharxaa waxa kale oo ay sahleysaa in talooyin laga geysto waxaaney yareysaa muranka iyo dooda madaama ay tahay natiijaddii la isla gartey. Haddii ad aragto arin muran iyo dood badani ka dhalatay waxa ay u badantahay iney tahay arrin aan si cad loo qeexin waxa laga rabo iyo natiijada la rabo in laga gaadho. Marku xaalku sida yahayna waxa ay ku danbeysaa in qofkastaa sida ay la tahay u sharaxdo.
Ictiraafku waa halka arrin ee umadda iyo dawladda Soomaaliland ay ku taamayeen 23 sanadood ee ina soo dhaafey. Markii xilka laga wareejinayey Madaxweynihii Soomaaliland Abdirahman Ahmed Ali (AHUN) qodobada loo adeegsadey wax aka mid ahaa inaanu keenin ictiraafkii loo direy o ahaa inu 2 sanadood ee uu xilka hayo dalka u keeno ictiraaf. Dawlad kasta oo waddanka ka dhalataa waxa ay ololaha ku sheegtaa iney dalka ictiraaf u raadineyso. Sidaasooy tahay ilaa hadda waxa lagu guul dareystey in la sharxo waxa ictiraafku yahay. Umad iyo dawlad leh ictiraaf Ayaan raadineynaa 23 sanadood oo hadana aan illaa hadda sheegin ictiraafku wuxu yahay, halka uu yaalo, shuruudaha lagu helayo, hadduu iib yahay qiimaha uu joogo. Cidi ma sharxeyso oo aan aheyn in dadka la maqashiiyo hadalada ay jecelyihiin oo ah ictiraafkii Ayaan u dedaaleynaa.
Adduunyada wax aan suuro gal aheyni ma jiro. Wax kasta oo loo dhaqaaqo waa la heli karaa waa haddii la isla fahmo waxa la doonayaa waxa uu yahay. 23 sanadood ee ina soo dhaafey waxa an rumeysanahay ineynaan hal tallaabo u qaadin dhinaca ictiraafku inaga xigo. Waxa kale oo aan rumeysanahay in dawladdan wakhtigeedu dhammaan doono iyada oo aan wax ictiraaf la yidhaa jirin. Iimana muuqato dariiqa an heynaa inu ina gaadhsiinayo hadafkaa.
We dhici kartaa in hadaf la gaadho iyo inaan la gaadhinba. Balse waxa taa ka horreeeya in la isla garto waxan la doonaya sida uu u eegyahay, inta balaadhkiisu yahay ama miisaankiisu, inta kiiloomitir ee uu kaa fogyahay. Haddu iibyahay qiimaha la siinayo. Balse raadi wax aadan sharxiba karin waa daal ad korodhsatey.

 


Bile – Aqoonta U Adeegta NoloshaBileaqontaiyonolosha@gmail.com