Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Caddeeyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Nin Ku Labisan Dharka Dumarka.
Posted by ifraax on June 23 2014 00:12:39

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa cadeeyey inay shalay  Ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen nin xidhan jilbaab iyo niqaam.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa cadeeyey inay shalay  Ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen nin xidhan jilbaab iyo niqaam-ka ay dumarku xidhaan,kaas oo dhex lugeynayey Suuqa magaalada Hargeysa.

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta saxaafadda kula hadlayey Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, waxaanu ku dooday inay baadhitaan wadaan sababta keentay inuu ninkani xidho jilbaabka iyo niqaamka-ba.

“Wuu Jirey ninkaasi inay Ciidanka Boolisku qabteen,Marka waa la baadhayaa wixii natiijo ah ee ka soo baxdana dib ayaan ka soo sheegaynaa iyo waxa ku kalifay, kamana hor-dhacayno ilaa baadhista aanu gaadhno midha-dhalkeedii”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayey ninka dharka dumarka kula-bisan ee ay Ciidamada Boolisku qabteen.

Mar wax laga weydiiyey xaalada nabadgelyo ee dalku wakhtigan ku sugan yahay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “ILAAHAY ayaa mahad leh, Ciidanka Boolisku waxay hadh iyo habeen-ba diyaar u yihiin inay sugaan ammaanka qaranka iyo bulshada reer Somaliland, oo si aad iyo aad ah ayey ula socdaan had iyo jeerna cidkasta oo nabadgelyada khatar ku ah Ciidanka Boolisku way qabtaan oo sharciga ayey horgeeyaan”.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.