Dhalinyaro Taagersanayd Muuse Biixi oo ku gacan saydhay Go’aankii uu qaatay.
Posted by ifraax on June 23 2014 00:47:20

Ururka dhalinyarada Taageersana Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  oo mudooyinkii ugu danbeysay  si adag u naqdiyi jirey Xukuumada Madexweyne Siiaanyo.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Ururka dhalinyarada Taageersana Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  oo mudooyinkii ugu danbeysay  si adag u naqdiyi jirey Xukuumada Madexweyne Siiaanyo, ayaa soo saarey Warsaxaafadeed ay ku cadeynayaan in aaney Go’aanka Muuse Biixi lawadaagin balse uu yahey mid isaga ku gaar ah Laakiin ay iyagu halkii kaga haynayaan.


Warsaxaafadeedkaas oo Nuqul Kamid ahi Soo Gaadhey Hargeysa Online  isagoo dhameys tiran waxa uu udhignaa sidan:-  “Ururka Dhalinyarada Suber-awal waxay cod dheer ku cadeynayaan in go’aankii shalay 21 June- 2014, ee uu qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi cabdi in uu yahay Mid isaga u gaar ah.

Hadaba ururka Dhalinyarada Subeer-Awal waxay cadeynayaan in aanay la qabil go’aanka Guddoomiyaha Kalina uu ku yahay.

Waxanay  dhalinyaradu ku baaqayaan in shir degdeg ah iskugu imandoonan dhammaan aqoon yahankooda  iyo waxgaradkodu oo ay kaga tashandoonan Mustaqbalkooda iyo masayrka Beesha Subeer Awal.

Guddoomiye Cabdiraxman Xassan Aadan.

Allaha Mahad leh.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.