Waxaa shir ku kulmay beelwaynta Daa,uud Ismaci(Ciidagale) ee deggen dalka Ingiriiska maalintii ay taariikhdu ahayd 21/06/2014 ,waxaana ka soo qayb galay bulshada beeshan qaybaheeda kala duwan kana kala yimi gobollada.
Bismillaahi Arramanirraxeem. Mudanayaal iyo marwooyinka sharafta iyo maammuuska naga mudan waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.
Waxaa shir ku kulmay beelwaynta Daa,uud Ismaci(Ciidagale) ee deggen dalka Ingiriiska maalintii ay taariikhdu ahayd 21/06/2014 ,waxaana ka soo qayb galay bulshada beeshan qaybaheeda kala duwan kana kala yimi gobollada iyo deegaannada dalkan, waxaana ku kulmay wajiyo isu baahnaa in ay madal sidan oo kale ah ku kulmaan kuwaas oo laga dheehanayey farxad iyo ididiilo hor leh, shirkaas oo ay ujeedadiisu ahayd in lagu doorto guddi cusub oo ay yeelato beeshu una hawl gasha sidii ay wax ugala qaban lahayd danaheeda,waxaanay guddani beddeshay middii hore hoggaanka ugu soo haysay muddada labada sannadood ahayd waxna dheeraayeen taas oo soo gaadhsiisay meel laga sii amba qaadi karo,guddida cusubi waxay ku dedaali doontaa sidii ay uga midho dhalin lahayd baahiyaha jira gaarahaan adkaynta midnimada meel kasta oo ay beeshu ku dhaqantay ,qurbaha oo ay xidhiidh la samayn doonto iyo dalkii Somaliland intaba,guddidu waxay ballan qaadaysaa wada shaqaynta bulshadan qaybaheeda kala duwan sida; madaxdhameedaka beesha,ganacsatada,ururrda jira kana mid yihiin ururwaynaha guud ee Gaaroodi,ururrda soo raaca sida Haldoor,Hablaha Gaaroodi,Gacanqabad,Guryasamo iyo kuwa anaan halkan ku xusin.
Shirkaas waxaa hadalo dhaxal gala ah ka jeediyey mudanayaal iyo marwooyin sharaf ka mudan beesha oo dhammaantood ku celceliyey muhiimada ay leeyihiin wada jirku,iska warhaynta iyo sidii loogu guntan lahaa horumarka dhinac walba.
Qodobada ka soo baxay shirkaas ee laysla afgartay waxaa ka mid ah.