Dagaal Saakay ka dhacay Gudaha Degmada Buula-burte.
Posted by ifraax on June 26 2014 17:16:15

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska degmada.


Extended News

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska degmada, kadib markii dabley soo xirratay dareyska militariga weerar  ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dadka ku sugan degmada oo saakay waabarigii hore aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in la maqlayo rasaas culus oo is weydaarsanayeen dhinacyada uu iska horimaadka dhaxmaray, taa oo cabsi iyo wal wal ku abuurtay dadka degmada.

Guddoomiyaha degmada Buula-burte Axmed C/dulle Weheliye oo Hargeysa Online la hadllay ayaa xaqiijiyay dagaalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

“Haa waa uu jiraa dagaallka….ragga weerarka soo qaaday waxaa ay xirnaayeen dareyska ciidamada waxaa ay toogasho ku dilleen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM, iyagana isla goobta ayaa lagu wada toogtay oo hadda meydkooda halkii lagu dillay ayuu yaallaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Buula-burte.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Jabuuti ee la sheegay in labada askari looga dillay iska horimaadka ka dhacay degmada Buula-burte.

Lama sheegin cid ka tirsan dadka rayidka ah oo wax ku noqotay iska horimaadka saakay ka dhacay degmada, madaama ay aroor hore aheyd inta badan dadka rayidka ahna guryahooda ku sugnaayeen.

Horraantii sanadkan ayaa Al-shabaab lagala wareegay gacan ku heynta degmada Buula-burte, hasse ahaatee inta badan waxaa ka dhacay degmada iyo hareeraheeda dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamulka oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Hargeysa Online