Maayirka Caasimadda Hargeysa Oo Biriij Cusub ka Dhagax-dhigay.
Posted by abdi on June 30 2014 00:22:04

Maayirka Caasimada Hargeysa Mudane C/raxmaan Caydiid Soltelco iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa oo ay weheliyaan Salaadiin Cuqaal iyo Xubno ka mida Golaha Deegaanka Hargeysa.


Extended News

Maayirka Caasimada Hargeysa Mudane C/raxmaan Caydiid Soltelco iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa oo ay weheliyaan Salaadiin Cuqaal iyo Xubno ka mida Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa maanta si wadajira u dhagax-dhigay Biriij Cusub oo ay yeelanayso Wadada Carro-baydhay isku xidha Diinqad iyo Beder-wanaag. Xafladii Dhagax dhiga biriijkan cusub oo ahayd mid sihersare ah looso agasimay ayaa waxa kasoo qayb-galay isla markaana dhagax dhigay Maayarka Caasimada Hargeysa iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Mr.Mowliid Waris C/laahi, Oo ay Weheliyeen Gudoomiyaha Gudida Dhulka ee dawlada hoose Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacade) iyo Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Degmada Sabawanaag Mr.Cali Hugur Galab iyo sidoo kale Madaxdhaqameed tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre ,Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey , Ugaas Xuseen Geele Abokor, Caaqil Axmed ,Ganacsade Xaaji C/fataax Xuseen Gamaameeye


Dadweynaha Deegaanka Carro-baydhay ayaa siweyn usoo dhaweeyey biriijkan cusub oo ay baahiweyn uqabeen hirgalintiisa iyagoo isla markaana xiliyada roobabka kala kulmi jiray wadada dhib aad u badan gaadiidka isticmaalaa
Sidoo kale masuuliyiintii kasoo qayb-gashay dhagax dhiga biriishkan cusub ayaa dhamaantood iska daba maray muhiimada hirgalintiisu ummadda u leedahay iyo siday uga go’antay dhamaystirkiisuba


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.