Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo ku soo laabtay Muqdisho.
Posted by abdi on June 30 2014 01:29:33

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C.wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa isagoo ku sugnaa Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ayaa Saxaafada waxuu uga warbixiyay.


Extended News

dsc_00321.jpg

 

dsc_00411.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C.wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa isagoo ku sugnaa Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ayaa Saxaafada waxuu uga warbixiyay Shir Caalami ah uu uga qeyb galay Magaalada Malabo ee Dalka Equatorial Guinea Shirkaasi oo looga hadlayay sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka ee Qaarada Afrika Iyadoo dhinaca kale uu Ra’iisul Wasaaraha carabka ku adkeeyay in uu ka qeyb galay Shir gaar ah oo 10 Dal oo Qaarada Afrika ku yaala oo ay ka mid tahay Shiisalis taasi oo lagu go’aamiyay in hadii ay dhibaato dhacdo ay isku gurmadaan islamarkaana Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dalalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Tan iyo markii Soomaaliya ay ka gudubtay Xiligii KMG ahaa islamarkaana ay u gudubtay Dowladda Federaal ah ayaa waxaa isa soo tarayaya Shirarka Heerka Caalami oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya Iyadoona ay xusid mudan tahay in Mas’uuliyiinta Dowladda tiro ka dhowr jeer ay ka qeyb galeen Shirar looga hadlayo Xaalada Afrika.


Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.