Dowladda Imaraadka oo ceelal biyood ka qodaysa dalal ay Soomaaliya ku jirto.
Posted by ifraax on June 30 2014 13:50:43

Dowladda Imaaraadka ayaa bilowday ururinta lacag lagu tabarucayo shan Million oo ruux oo dunida daafaheed ku kula nool,si looga kaalmeeyo cabidda biyo nadiif ah inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.


Extended News

Dowladda Imaaraadka ayaa bilowday ururinta lacag lagu tabarucayo shan Million oo ruux oo dunida daafaheed ku kula nool,si looga kaalmeeyo cabidda biyo nadiif ah inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.


Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Imaaraadka iyo waliba shacabka ayaa laga aruuriyay lacag gaaaysa 33.5 million dirham oo u dhiganta $9.1 million sida ay xaqiijisay warbaahinta gudaha ee dalkaas laga leeyahay maanta oo isniin ah.

Waxa la soo gaba-gabayn doonaa 17-ka bisha Jully ,iyada oo munaasabaddan lagu soo beegay xilliga ugu badan ee muslimiinta adduunka ay wax sadaqaystaan ,waxaana mar horeba sii bilowday dar-dar galinta deeqdan.

In ka badan 10 wadan oo ay ku jiraan Afghanistan, Pakistan, India, Niger, Somalia, Ghana, Sudan, Indonesia, Togo iyo Ciraaq  ayaa laga bilaabay qodidda ceelal biyood loogu tala galay inay isticmaalaan dadka aan heli karin biyo caafimaad qaba.

Hay’adda bisha Cas  ee UAE ayaa fududeynaysa gaarsiinta deeqdan dadka u baahan ,waxaana ay codsiyo kala duwan u diren shacabka dalkaas, iyadoo ay gar-gaar dag deg ah u baahan-yihiin kumanaan ruux oo ku nool Qaaradda Aasiya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa intii u dhaxaysay sannadihiii 2009 illaa 2013-ka ku deeqday lacag gaaraysa 1.014 billion oo dirham,taasi oo wax looga qabtay 61-wadan adduunka ah sida lagu shaaciyay qiimayn arintan laga sameeyay

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.