Soo dhowayn dhismaha waddada Ina Guuxaa ilaa Awaare.
Posted by ifraax on July 02 2014 09:16:42

Waxaanu si diirran u soo dhowaynayna haddaanu nahay beel waynta Ciidagale ee deggen dalka ingiriiska tallaabada geesinmda leh ee ay hore u qaaday Dawlada ismaamulka Soomaalida kililka shanaad ee Ethiopia.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem. 

Warbaahinta sharafta iyo maammuuska naga mudan waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Waxaanu si diirran u soo dhowaynayna haddaanu nahay beel waynta Ciidagale ee deggen dalka ingiriiska tallaabada geesinmda leh ee ay hore u qaaday Dawlada ismaamulka Soomaalida kililka shanaad ee Ethiopia,tallaabadaas oo ah dhismaha waddada Magaalada Ina Guuxaa ilaa degmada Awaare, arrintaas oo wax la taaban karo ka tari doonta isu socodka iyo adeegyada asaasiga ah dhan walba shacabka walaalaha ah ee deegaanadaas iyo labada dal ee Somaliland iyo Itoobia ,mar labaad waxaanu si mug leh ugu hambalyeyna madaxwaynaha kililka shanaad ee Itoopia mudane Cabdi Maxamud Cumar  iyo golihiisa wasiiradaba.

 

 

 

 


Waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno. 

Wa billaahi tawfiiq

Guddomiyaha beesha Ciidagale ee deggen UK.
Deeq Cabdi Digale.