Gabar Soomali ah oo isku dal-dashay Magaalada Cairo ee Dalka Masar.
Posted by xaaji on June 16 2012 20:38:25

Cairo(Hargeysa Online)Gabartaan is dal-dashay ayaa lagu magacaabay Sahro Cali Muufo da'deedana lagu qiyaasay ilaa 30 jir ayaa daganeyd xaafada eey Soomalida ku badantahay ee lagu magacaabo Xayil caashir.


Extended News

Cairo(Hargeysa Online)Gabartaan is dal-dashay ayaa lagu magacaabay Sahro Cali Muufo da'deedana lagu qiyaasay ilaa 30 jir ayaa daganeyd xaafada eey Soomalida ku badantahay ee lagu magacaabo Xayil caashir ,gaar ahaan suuqul sayaaraat dhismaha numberkiisu yahay 3

 



Marxuumada ayaa qaar kamid ah dadka u dhaw eey inoo xaqiijiyeen iney sababta isu marjisay eey tahay arimo family ah oo ka dhashay ayada iyo ninkeeda taas oo la xalin waayay
waxaa si gaar ah ugu jiray xalinta Khilaafka Walaalkeed oo lagu magacaabo Ismaaciil (ciiloow)

Marxuumad ayaa waxay aheyd xaas waxaana la sheegay ninka qabay oo ey qaraabo dhaw yihiin inuu ku noolyahay Dalka Mareeykanka

Sida eey inoo sheegen dad eey ehelyihiin sanadkii lasoo dhaafay octobar ayuu u yimid ninkeeda asiga oo dacwad uga furay dalka Mareeykanka

Marxuumada ayaa la shegay iney qaahira timid waqti hore sanadkii 2001/2002
waqtiga la guursaday naloogu sheegay 200

Goor dhaweyd ayaa meeydka ka qaaday aqalkii eey isku marjisay gaari ambalaas ah ayada oo loo qaaday Isbitaal

Ciidamada Masaarida oo baaritaanka wado ayaa sheegay inta ey ka soo dhameynayan baaritaanka inan la duugi karin Marxuumada

Arintaan aya noqotay arin aad uga naxeen dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar ayada oo ah dhacdadii ugu murugada badnyed ee soo marta Soomalida ku nool Masar

Marxuumada ayaa aheyd qof wanaagsan oo ehlu diin ah waliba aad u afgaabneyd ,balse geerida is dal-dalka ah ayaa dadkii yaqiinay kanaxeen ayaga oo maleeysan wayay fajac iyo amakaagna ku abuurtay

Allaha u naxariistee Marxuumada ayaa lagu aasidoona Qabuuraha Masar markii fasax laga helo ciidamada baaritaanka wado

 

Safiya axmed Faarax
Xafiiska Wararka Hargeysa Online
HargeysaOnline.Net