Ciidamada Qaranka Somaliland oo la wareegay fadhiisinkii Maleeshiyooyinka Buuhoodle.
Posted by xaaji on June 16 2012 20:52:52

Tukaraq(Hargeysa online)Ciidamadda Qaranka ee Gobolka Sool ayaa saaka waaberigii la wareegay Gacan ku haynta Tukaraq oo ay xuduudka ugu shisheeya Gobolka Sool oo ay deganayeen Ciidamo Maleeshiyooyin ah.


Extended News

Tukaraq(Hargeysa online)Ciidamadda Qaranka ee Gobolka Sool ayaa saaka waaberigii la wareegay Gacan ku haynta Tukaraq oo ay xuduudka ugu shisheeya Gobolka Sool oo ay deganayeen Ciidamo Maleeshiyooyin ah oo ku hirdamayay gacan ku haynta ba5r kantarool oo ay ku dhibi jireen dadweynaha Jidkaasi maraya.

Sida uu Hargeysa  online u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Duulaanka saaka lagula wareegay goobahaasi waxa khasaare ahi kamuu dhicin, waxaanu xusay inay maleeshiyooyinkii halkaa deganaa ka sii qaxeen markii ay Ogaadeen in lagu soo socdo.

Dhinaca kalena warar aanu ka helnay Gobolka Sool ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka u geeriyooday Laba kalena u dhaawacmeen Tacshiirad uu ku furay Asakri ka tirsanaa isla Ciidankoodu.

Ilaa hada sababta rasmiga ah ee keentay dhacdadaasi madaxda Ciidanka Qaranku kamay hadal, hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan inuu khilaafkoodu ka dhashay Weerarka saaka ay Ciidanku qaadeen oo uu diidanaa Askariga rasaasta furay.

Askariga laayay Ciidanka ayaa la sheegay in isla goobtii lagu qabtay, iyadoo ay qaar ka tirsan Ciidanku sheegeen inuu ahaa Xisaabiyaha Guutada 7aad ee aaga Laascaanood.

 

Ayaan maxamed cismaan
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland