Sarkaal sheegay inay soo badbaadiyeen Markab ku caariyay Xeebaha Somalia.
Posted by abdi on July 13 2014 00:22:09

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay maanta inay soo badbaadiyeen markabka MV Jamila oo kusoo caariyay maalin ka hor meel 70-km u jirta Muqdisho.


Extended News

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay maanta inay soo badbaadiyeen markabka MV Jamila oo kusoo caariyay maalin ka hor meel 70-km u jirta Muqdisho kana tirsan gobolka Shabeellada dhexe. Jen. Maxamed Qaafoow oo ah taliyaha qaybta koowaad ee ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 10-ka mid ah shaqaalihii la socday markabkan oo lagu magacaabo Jamiila ay soo badbaadiyeen. Sarkaalkan ayaa ku sheegay in siddeed ka mid ah shaqaalaha ay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenya, naaquudaha markabkana oo ahaa qof caddaan ah halka ruux kale oo Somali ah. “Markabkan oo ganacsato Soomaali ah u rarnaa ayaa ku caariyay xeebaha Shabeellada Dhexe, waxaana ku guuleysannahay inaan soo badbaadino markabka iyo shaqaalihiisii oo ka koobnaa toban qof, kuwasoo isugu jiray ajaanib iyo Soomaali, sagaal ka mid ah waxay ahaayeen ajnabi Kenyan iyo caddaan ah, halka qof kalena uu ahaa Soomaali,” ayuu u sheegay Jen. Qaafow. Taliyaha ayaan soo bandhigin caddeymo muujinaya inay soo badbadiyeen markabka iyo shaqaaihiisa oo sarkaal u hadlay Kenya uu sheegy maanta in ay gacanta ugu jiraan Al-shabaab. Madaxa hay’adda badmaaxiinta Bariga Afrika, Andrew Mwanguru ayaa hadal uu Nairobi kasoo saaray ku sheegay inuu markabku ku socday Mombasa oo ka tirsan dalka Kenya, uuna ka yimid dalka Muzambiik, lana filayay inuu ku xirto dekedda Muqdisho. Si kasbtaha ha ahaatee deegaannada uu Markabku ku caariyay ayaa waxaa ku sugan xoogagga Al-shabaab oo ka taliya, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sida ay ugu suurogashay dowladda Somalia inay soo badbaadiso Markabkan iyo shaqaalihii la socday.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.