Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Itoobiya kala hadli doonaa xuduuda Xiran.
Posted by ifraax on July 14 2014 00:14:04

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar u baxay waddamada Itoobiya iyo ingiriiska.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar u baxay waddamada Itoobiya iyo ingiriiska, waxaanu sheegay in Itoobiya uu kala hadli doonno danaha labadda dal, halka uu ingiriiska fasax u tagi doono.



“Safarkaygu wuxuu u badan yahay mid gaar ah oo aan ugu ambabixi doono dalka Britain, waxaana sii mari doonna dalka Itoobiya oo aanu kala hadli doonno danaha inaga dhexeeya, maadaama oo Itoobiyaha tahay dal aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyo, waxaana iska caadi ah in markasta oo aan baxayo sii maro oo aan la kulmo madaxda Itoobiya”yuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey ujeedada safarkiisa.

“Somaliland cid walba way ka warqabta inay meel nabad ah, dhulalka Soomaalidu degtana waa meesha ugu nabadda badan, waad ogtihiin Xamar waxa ka dhacaya”ayuu yidhi Siilaano oo ka jawaabayey su’aal amniga wax laga waydiiyey.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka jawaabay inay Itoobiya kala hadli doonaan xadka xidhin, ayaa sheegay inay itoobiya kala hadli doonaan xadka xidhan, isla markaana labadda dhinacba wada ilaalin doonaan nabadda.

Maxamed Biixi waxa kale oo uu sheegay in maanta madaxweynuhu amar ku bixiyey in la siidaayo gudoomiyihii wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe oo muddo ku xidhnaa jeelka Gabilay.

Wasiirku waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in haddii Soomaaliya jabiso qodabaddii lagu heshiiyey ay qaraar ka qaadan doonaan, inkastoo aanu xusin go’aanka ay qaadanayaan nooca uu yahay.

Dhinaca kale, waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal ay samaysatay wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.