Al-shabaab oo Baraawe ku Toogatay laba wiil oo lagu eedeeyay Jaajuusnimo.
Posted by ifraax on July 14 2014 00:30:16

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, laba wiil oo ay ku eedeeysay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynayay dowladda Soomaaliya. 


Extended News

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, laba wiil oo ay ku eedeeysay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynayay dowladda Soomaaliya. Fagaaraha uu dilku ka dhacay ayaa waxaa la isugu keenay boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool degmadaas, iyadoo ay hadallo ka jeediyeen xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo sheegay inay sida cawoga oo kale ula dagaalami doonaan jawaasiista ku dhex-jirta. Labada wiil ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray; Siciid Xuseen Cali oo 26-jir ahaa iyo Cabdi Xasan Xuseen oo 19-jir ahaa, kuwaasoo garsooraha ku riday xukunka uu sheegay inay muddo la shaqeynayeen nabad-sugidda iyo booliiska dowladda Soomaaliya. “Eedeysane, Cabdi Xasan Xuseen oo 19-jir waxaa lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay, isagoo maxkamadda horteeda ka sheegay inuu muddo fog la shaqeynayay ciidamada sirdoonka iyo booliiska Soomaaliya, uuna ka qayb-qaybgalay fulinta lix howlgal,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda xukunka ridday ee Al-shbaab oo aan magaciisa la sheegin. Garsooraha oo sii hadlayay ayaa sheegay in Cabdi Xasan uu sheegay inuu ku qaatay howlgallada uu fuliyay 6,000 oo doollarka Mareynkanka ah, mushaar ahaanna loo siin jiray bil walba inta u dhexeysa 100 illaa 300 oo doollar. “Xasan wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay in ciidamada dowladda ay qabteen ayna ku qasbeen inuu la shaqeeyo, markii uu aqbalayna xabsiga laga sii daayay, uuna sidaas howshiisa ku watay,” ayuu garsooruhu mar kale yiri. Sidoo kale, garsooraha Al-shabaab ayaa sheegay in Siciid Xuseen Cali uu ka qirtay isaguna maxkamadda hoteeed dambigii lagu soo eedeeyay oo ahaa in uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda, uuna sheegay inuu ka qayb-qaatay saddex howlgal, bishiina uu qaadan jiray lacag 100 doollar ah. “Wuxuu kaloo Siciid sheegay in howshan uu ku qalqaaliyay saaxiibkiis Cabdi Xasan, maxkamadduna markii ay eedeysanayaashu qirteen dabigooda xukun dil ah ayay ku ridday, kaasoo loo cuskaday shareecada Islaamka,” ayuu garsooruhu ku daray hadalkiisa. Dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab oo wajiyadu u xiran yihiin ayaa labadan wiil ku fuliyay xukunka dilka ah, iyadoo uu dilka kaddib hadlay guddoomiyaha u qaabilsan Al-shabaab gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo sheegay in labadan wiil ay soo qabteen ciidamada Al-shabaab ee amniga qaabilsan. “Qof walba oo lagu qabto dambi jaajuusnimo ah xukunkan oo kale ayaa lagu fulin doonaa, waxaana ula dagaalamaynaa cid walba oo jaajuus ah sida aan ula dagaalanno cadowga dalka ku sugan,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdalla. Ugu dambeyn, Sheekh Abuu-Cabdalla wuxuu ugu baaqay shacabkii kasoo qaybgalay dilka lagu fuliyay labadan wiil ee jaajuusnimada lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan Al-shabaab ayna qayb ka qaataan dagaallada ay kula jirto cadowga Alle oo ay ugu horreeyaan jawaasiista iyagoo haddii ay ruux jaajuus ah arkaanna kusoo wargeliya ciidamadooda amniga. Tan iyo markii uu billowday sannadkan ayaa waxay Al-shabaab ku toogteen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose in ka badan 10-ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynaya dowladda Soomaaliya, dalalka dariska ah iyo kuwa reer galbeedka.

 

HargeysaOnline.Net